|

Dhuxul Oo u Xuub Siibtay Afhayeenka Wasiir Xirsi, Kana Baydhay Shaqadii Uu Madaxweynaha u Hayey

Hargeysa:Jully,08,2015(SDN/QJ)-Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa ka leexday shaqadii afhayeennimo ee uu Madaxtooyada ka hayey, waxana uu door biday inuu noqdo afhayeenka Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, isagoo Gaashaan uga noqday difaacidda  eedo kaga yimi dhinaca wasiir xukuumadda ay hore uga wada tirsanayeen.

dhuxulMd Dhuxul oo shalay qaar kamid ah warbaahinta kula hadlayey Xarunta Madaxtooyada, ayaa si badheedh ah uga tallaabay shaqadiisa afhayeennimada madaxtooyada, waxana uu u holladay inuu eedo dusha ka saaro wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi cumar oo warbaahinta kaga hadlay arrimo warbaahintu ka qoraysay.

Dhuxul waxa uu si cad oo ka baxsan hanaanka shaqada uu qaranka ugu hayo ugu xuubsiibtay afhayeenka wasiirka madaxtooyada, waxana uu jawaab uu Wasiirkii hore ee arrimaha dibaddu siiyey Wasiir Xirsi ku tilmaamay mid lala degdegay oo aan lala sugin wakhtigii ay ku haboonayd.

“Maxamed Cadbilaahi wuu degdegay inuu sugaa bay ahayd bal sida u xirsi arrintaas uga jawaabo, laakiin eedayn aad iyo aad u xun oo waliba aflegaaddo u badan ayuu xirsi oo difaacay ku qaaday.”ayuu yidhi Mudane dhuxul oo difaacayey wasiirka Madaxtooyada somaliland.

Waxa haddaba la isweydiinayaa goorta uu Afhayeenkii madaxweynuhu  noqday afhayeenka Wasiir Xirsi, iyadoo markhaati laga yahay Jawaabta uu ku difaacayo wasiir Nool oo shaqadiisii si toos ah ugu dhexjira, isla-markaana ay isaga utaallay inuu iska difaaco eedaha dusha laga saaray.

Afhayeen dhuxul, ayaa waxa uu shalay difaacay wasiir fadhiya xafiis goobta uu ka hadlayey aan ka fogayn  saddex tallaabo, waxana uu indhaha ka qarsaday Su’aal saxaafaddu ka weydiisay sababta uu u difaacayey wasiir agtiisa fadhiya.

Axmed Saleebaan dhuxul oo isagu muddooyinkii ugu dambeeyey fadeexado iyo ceebo usoo jiiday Shaqada uu qaranka u hayo, isla-markaana dhawaan ku kacay tallaabo  halis gelisay shaqadiisa oo ahayd inuu si foolxun saxaafadda uga hor istaagay madaxweynaha qaranka oo ay su’aalo diyaar u la ahaayeen, ayaa wali sii wata tallaabooyinka dilaya sumcadda iyo milgaha shaqada afheennimada madaxweynaha ee uu qaranka u hayo.

Afhayeen Dhuxul oo sii wata difaacidda iyo Wasiirka Madaxtooyada iyo eedaynta Wasiirkii hore ee Somaliland arrimaha dibadda u qaabilsanaa, ayaa waxa uu yidhi,“Inaad Hubsatay ahayd, nin weynoo hadal ka dhacayna waa geed qolofi ka dhacday, xirsi-na waxa uu qaranka u guday iyo waxa uu u qabtay iyo kaalinta uu kaga jiro shacabka somaliland way ogyihiin.”

Dhuxul oo muddooyinkan ugu dambeeyey daalaa-dhiciisu aad u batay, ayaan la ganayn halka ay xaaladdiisu ku dambayn doonto, iyadoo ay soo kordhayaan wararka su’aasha gelinaya inay sii socon doonto shaqada uu haatan qaranka ugu magacaaban yahay.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed