Dhuxul iyo Maxamuud Xaashi Oo Shalay Bulshada U Muujiyey Inaanu Madaweyne Siilaanyo Awoodin Ka Jawaabidda Su’aalaha Saxaafadda
Hargeysa:Aug,04,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka somalilad Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Afhayeenk Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa shalay Shacabka reer somaliland u diray Farriin si dadban u muujinaysa inaanu madaweyne Siilaanyo lahayn awood uu kaga jawaabo su’aalaha saxaafaddu weydiiso markii ay diideen in wax su’aalo ah la weydiiyo.
Labadan masuul oo ku caan baxay ka-bad-badinta iyo Buunbuuninta Tallaabooyinka xukuumaddu hore u qaaddo, isla-markaana lagu sheego rag shaqadoodu tahay inay madaxweynaha tusiyaan kaliya in dadka oo dhami cadawgiisa yihiin, ayaa markii uu madaxweynuhu ka warbixiyey safarkiisii uu dalka dibaddiisa kaga yimi, si badheedh ugu dhawaaqay inaan wax su’aalo ah la weydiin Karin madaxweynaha qaranka, isla-markaana madaxweynaha amray inuu iska fadhiisto oo aanu hadlin.
Masuuliyiintan ayaa amarka ka dhanka ah su’aalaha madaxweynaha la weydiiinayey kala hororsaday, iyagoo mid waliba doonayey inuu madaxweynaha maqashiiyo inuu isagu yahay ninka ka waabiyey su’aalihii la weydiin lahaa oo ay u hastaan sida rasaasta wax disha oo kale.
Waxa ay masuuliyiintani madashii ilyartu is qabatay hadalka ku dhejiyeen saxaafaddii goobta joogtay, iyagoo ku guulaystay inuu madaxweynuhu ka dhaqaaqo goobtii uu markii hore ka hadlayey,isla-amrkaana u hollado inuu fadhiisto.
Tallaabadan ayaa dad badani u qaateen inay ahayd inaanu madaxweynuhu lahayn awood uu su’aalaha kaga jawaabo, isla-markaana ay saaxiibadii ka baqo-qabaan inuu ku jawaabo hadalo iska horimanaya oo aan sax hayn, iyadoo taasina muujisay Doodda dadka qaar ka keenaan caafimaadka madaxweynaha.
Sidoo kale farriintan dadban ee ay labadan masuul direen ayaa ahayd mid aanay cawaaqibkeeda dambe ka fikirin, isla-markaana ay kaliya iyagu ku eegeen Hal-beegooda Gaaban oo ahaa inay su’aalaha diidaan oo kaliya.
Inta badan warbaahinta afka soomaaliga ku hadasha ayaa si aan qarsoodi lahayn u tebisay Dhaqnkii shalay ee labadan masuul madaxweynaha hortiisa ka sameeyeen, iyagoo qaarkood muujiyey in madaxweynaha laftiisa loo diiday inuu iska difaaco su’aalaha saxaafadda, isla-markaana cidda dulmigu ku dhacay ee xaqiisa weyday uu ugu horreeyo madaxweynuhu.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu socdaalkiisii hore ee uu London ugu amba baxayey su’aalo caynkan oo kale ah loo weydiiyey ka jawaabay, iyagoo su’aalihii la weydiiyey ay ka dhalatay inuu cafiyo Guddoomiye Yuusuf cabdi gaboobe oo xilligaas xidhnaa, iyadoo taasina ku timi dedaalka saxaafadda Madaxa Bannaan.
Afhayeen dhuxul iyo Wasiir Maxamuud Xaashi oo Necbaansho iyo cadaawad waarta dhex dhigtay saxaafadda Madaxa Bannaan, ayaa iyagu ugu dambayntii markii uu madaxweynuhu ka soo baxay Madaarka ugu dhigay niman ka waabiyey cadow iyo nacab hadh cad doonayey inay ceebtiisa Bannaanka keenaan, taasoo xaqiiqo ahaan ka duwan sida ay iyagu filanayaan.
SDN/QJ-
Contact@somalidiasporanews.com