|

Dhulka Tiyaatarka Hargeysa Waa Mulki Beeli leedahay!!​!!

Waxan Maanta Warbaahinta Dalka ka soo Baxa Qaarkood ka HalacsadayQoraal uu ku Aaxeexnaa Maayorka Hargeysa, Ref: XDH/H  4 S/ 2014     Uj: Baneyn Dhul.
Hordhac: 
Magaca Beeleed oo Midaysan, Magaca Beeleed oo Gaf iyo Gardaro soo Noqnonaysa Tirsanaysa, Waxan Shacabka Somaliland ee Nabadda Jecel, Shacabka Somaliland ee Xalaal Maalka ah aan u Sheegayaa, in aanu Jirin Muran iyo Khilaaf Dhulka Tiyaatarka Hargeysa!! Dulka Tiyaatarka Hargeysa Waa Mulki Beeli leedahay.
 
Habka iyo Nidaamka Dawladnimo ee inoo Dhisan ayaa Dhawraysaa Xuquuqda uu Muwaadinku Dalkiisa uu ku leeyahay, Isagana Faraysa in Sharciga iyo Distoorka Dalka uu Ilaaliyo. Waxa Baryahan Siiba intii Xukuumaddan Maanta Dalka Ka Talisaa Zimaamka Dawladnomo ay Gacanta ku Qabatay in Dhul Boobka iyo Musuqu Xadhkihiisa soo Goostay.
Dib-u-Eegid iyo Falamqeynta Qoraalkii Maayarka Hargeysa:
Ku : Ganacsade Cumar Caydiid               Hargeysa
Og : Suldaan Saleebaan Boqore               Hargeysa
Og : Suldaan Cabdiraxman Aw Good      Hargeysa
Og : Wasiirka Arrimaha Gudaha             Hargeysa
Uj :  Baneyn Dhul
Waxan Kula Socodsiinayaa Barxadda u Dhaxaysa Tiyaatarka iyo Dawladda Hoose oo uu Madaxweynaha JSL Siiyey Labada Suldaan ee Sare ku Xusan, Sharciyaddii Lahaanshaha Dhulku u Dhamaystiran Yahay, Amarkii Wasiirka Arrimaha Guduhu ku Fasaxay Dhawaan Fulimaha, una Baahanyihiin in ay Wax Qabsadaan, Adigana Alaab Ku Taal.
 
Sidaa Darteed waxan Kula Socodsiinayaa in Muddo 15 Cisho Gudahood aad wixii Agab ah ee ka Yaal Halkaasi oo aad u Faro Badan aad ka G.urato, si aan Adna wax Khasaare ahi kugu Dhicin, labada SuldaanaDhismahooda u Dhistaan.
Allaa                Mahad                Leh
Duqa Caasimada Hargeysa ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaan Hargeysa..
 
Falanqeynta Qoraalkii Maayorka Caasimada Hargeysa:
 
               1 ) Magacaa Madaxweynaha JSL Mud. Axmed Maxamed Maxamuud, Magaca Qaranka Shacab
               ka Somaliland oo Qiimo iyo Qadarin aan u Hayo, Mudane Sacaadatui Ra’iis, Aniga oo                
               Tixgelinayaa iyada oo Kalsooni & Raad Raaca Lexejeclo ee Dalkaaga aad u Hayso aan ogahay,
               Wavan kaa Codsanayaa im aad Dib-u-Eegid aad ku Samaysid Qoraalkan ka soo Baxay Xafiiska
               Duqa Caasimada Hargeysa ee Amarka Fulinteeda uu Soo Bixiyey Wasiirka Arrimaha Guduhu, 
               Laguna Suntay in Madaxweynaha JSL Mud. Axmed M. Maxamuud uu Barxadda uu Dhaxays
 
              Dhulka Tiyaatarka iyo Dawladda Hoose uu Madaxweynuhu ku Wareejiey labada Suldaan.
              Mudane Madaxweyne Dhulkan Tiyaatarka iyo Barxadaba oo Sharcigeeda Lahaansho, Warregto
              Madaxweyne uu Ku Mulkiyey Ganacsade Cmar Caydiid.
              Mudane Madaxweyne Dhulkan Tiyaatarka ee Amarka Fulinta 28 ´kii September 2014 kii lagu
               Wargelinaaya Ganacsade Cumar Cayddid, Waxan kugu Wargelinayaa in Muddo laga Joogo 3
               Sanno, in Hormoodka iyo Hoggaan Dhaqmeedka Beelaha Mulkiilaha Dhulka iyo Niman  
               Sheeganaayey.Heshiis iyo Sulxi Wadajir ah ay ka Gaadheen oo Magac Maamuus Beelo  ah lagu
               Xalilay laguna soo Afjaray Mushkuladdii Dhulkaa Tiyaatarka.
               Mudane Madaxweyne ka Muwaadin ahaan waxan ku Weydiinayaa Sababta Dib u soo Celisay
               Maanta Arrintii Xalinteeda ay Beeluhu Ka Arrimiyeen!!!
               Mudane Madaxwayne Codsi & Tixgelin: Waxan kaa Codsanayaa Dib-u-Eegid in aad ku Fiirisid
               Aniga oo lexejeclaysanaaya Nabadda Iyo Horumarka Dalkayga..
 
               2 ) Labada Suldaan Midh Baan Idhi,  Midna Waa Iga Su’aal:
               Ixtiraam iyo Qadarin ayaa Title ka Suldaanimo oyo Magaca Beelhaha idm Caleemo saarayba  
               Mudan yihiin. Waxan taydan Tayda iyo Tiinaba aan ku Adkaynayaa oo aan Farayaa, in Masal 
               iyo Ku Dasho aa u Noqotaan Bulsho Weynta Somaliland, Magaca Madaxnimo ee HuwanThiina 
               Nusqaanta Ka Dhawrtaan!!! Dhulkamn Tiyaatarka ee Saxeexa la idinku soo Duugay, waa  Sifo 
               Nooceya, Haddii Mulkiyadii Dhula oo Nin Muwaadini uu leeyahay, Haddii Dhulka Barxaddu 
               uu yahay Baarkinkii Dhimaha Tiyaatarka!!! Cumaamadda Hoggan Dhaqmeedku Waa Nabad.
               Labada Suldaan Waxan uga Digayaa in aanay Cumaamadda Saaran iyo Title ka Huwan  Yihiin,
               in ay u Adeegsadaan Damac Dhul Boob iyo Fidno ay ka dhex Shidaan Beelaha Walaalaha ah.
 
              3 ) Duqa Caasimadda Hargeysa iyo Golaha Deegaanka:
              Waxa Ayaan Darro ah in Shacabkii idin Doortay uu Ku Hungoobay Naruuradii iyo Saadaashii 
              uu idinku Doortay, Waxan ka Mid ahaa Mawaadiniinta Saluugga ka Muujiyey Da’da lagu Sar 
              Gooyey Xildhibaanka Golayaasha Deegaanada Dalka. Doorashada Xildhibaanada Golayaasha¨
              Deegaanku, Waxay in aan la Siyaasadeyn, Waxay ahayd in laga Dheereeyo Damaca Siyaasiga 
              Sedbursiga rabay, Hadduu ahaa Xisbul Muxaafid ama Xisbul Mucaarid!!!!Da’da loo Sharci 
              Golaha Deegaanku Waxay ku Habooneyd Golaha Siyaasadda Qaranka (Golaha Barlamaank). 
              Waxaynu Taariikhda ku Xusi doona, Khaladka Dalka laga galay ee Shacabka Somaliland loo 
              Hadoodilay ee Damaca Siyaasadeed loo soo Xidhay!!!! Golayaasha Deegaanada Maanta iyo  
              kii ka Horeeyey Shacabka Kala Saari oo aan u Dhaafayaa!!!! Waxa iga Qaldan, Waxa iga   
              Qasan oo aan Xasuusan Waayey, Goorta ama Xiliga Ereyga la yidhaahdo ,, Danta Guud ,, uu
              ku soo Biiray Afka Somaliyeed oo keliya laga Isticmaalo Kaamboolka Dawlad Hoose Hawsheeda
              ama Maamulkeeda lagu Hayo!!!!!
 
              4 ) Golaha Siyaasadda ( Barlamaanka ):
              Baarlamaankii aynu Dooranay wuxu u kala Jabay Muxaafid Gacantiisa u Taaga oo Meel loo
              Dhigo Qadar Bakhshiish ah  ama Dawladaha Hoose Dhulka Ummadda wax looga Boobo iyo
              Mid Mucaarid ku Malafsi iyo Qadhaab doonto, Kolku Shaadhku Kululaadan  ,, Duudub ,, Wax
              Wato lagaga Saxeexdo, isana Faro Madhnaan aan ku Dhicim.
 
              5 ) Golayaasha Fulinta:
              Golaha Wasiirada, Agaasimayasha, Maareeyayaasha iyo Dhammaan inta Wareegto lagu 
              Magacaabay oo ah inta Xilalka Haysa oo ah inta Qaranumada Xilkeedu Saaran yahay, Xilku
              waa Wareegto!!!! Inta uGu Badan ee Farta lagu Godayaana, Waa Idinka!!!!Dalkani waxa uu
              uu Soo Maray tan iyo intii aynu Gooni Isu Taagnay, Maraaxil Badan oo Masuulka,Xil Hayaaba
              uu Sidu Doono uu Sharciga u Toocsado isag oo ka Faaideysanaaya Kursiga iyo Qalinka & Xilka
              uu Hayo, Wax Walbana u Fulinaaya Danihiisa Gaar ah si uu ugu Dheganaado Booskiisa, Waa
              Naafeysa ee Dib u Dhaca ku Keentay Horumarkii iyo Himilooyinka aynu Beegsaneynay. Haddii
              Haq Soorka iyo Cadaaladda loo Sinaan Waayo, Haddii Tacadiga iyo Dulmiga la Joojin Waayey,
              Haddii Cadaalad la’ aan Amar iyo Fulin iska Bixiyo, Wasiiro Madluunkuna Beel bu Moqon, 
              Adna Reer Hebel Baad Noqon!!! Xilkuna Waa Meerto.
 
Gabagabo:
Dhulka Tiyaatarka Hargeysa waa Mulki Beeli Leedahay, Sharcigiisuna uu Leeuahay Ganacsade Cumar Caydiid. Dhul Boob iyo Fidnada la Raadinaayana Ha laga Waantoobo,Nabaddana Ha la Ilaasho.
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika      Sweden

Comments are closed