Dhulgariir sababtiisa lagu tuhmayo Tijaabo Nugleer oo ka dhacay Dalka Kuuriyada Koofuree
Seoul Feb 12 2013 (SDN)- Wakaalada Wararka ee dalka Koofur Kuuriya Yonhap ayaa soo warisay in dhulgariir cabirkiisu yahay 4.9 mignitude cabirka dhulgariirada, uu ka dhacay cirifka Waqooyiye ee dalka Kuuriyada Waqooyi.
Warbaahinta maxaliga ah ayaa sidoo kale soo tabineysa in dhulgariirku uu yahay mid xoogan islamarkaana laga dareemay goobo ka baxsan halka uu ka dhacay, waxaana ay intaasi ku dareen in dhismayaal badan uu burburiyay dhul gariinka.
Lama shaacin wali qasaaraha rasmi ah ee ka dhashay dhulgariikaasi hase ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in hay’addaha gurmadka deg dega ah ay gaareen goobta islamarkaana ay ahada wadaan howlaha samata bixinta ah.
Dhulgariirkan ayaa loo aaneynayaa in sababtiisa ay qeyb ka tahay tijaabo Nugleer oo dhawaan ay dowladda Waqooyiga Kuuriya ka sameysay dhulka hoostiisa.
SDN-Seoul