Dhul-gariir culus oo ku dhuftay dalka Japan oo bulshada wadankaas dib u xasuusiyay masiibadii sannadkii hore asiibtay
Tokyo 7, December 2012 (SDN/WSJ)- Dhul-gariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.3-magnitude, ayaa ku dhuftay gobolka dhinaca waqooyi-bari ee dalka Japan.
Sida uu ku waramay wargeyska Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka, Dhul-gariirkan oo dhacay gelinkii dambe ee Jimcaha maanta waxa uu degenaansho la’aan ku riday bulshada ku dhaqan gobolkaas oo uu hore u saameeyay Dhul-gariirkii iyo dhacdadii Nukliyeerka ee sannadkii hore ka dhacay wadanka Japan.
Dhul-gariirka oo dhacay 5:18pm ee waqtiga maxaliga ah ee dalkaas, waxa uu xudun ka dhigtay gobolka Miyagi, kaasoo ah deegaankii ay masiibadii gariirka ui cabirkiisu ahaa 9.0 magnitude ku dhufatay bishii March 11-keedii 2011, kaasoo aafeeyay gobolka, isla markaana galaaftay inka badan 18-kun (18,000) oo qof dhintay ama la la’yahay.
“Waxay dib noogu celisay xusuustayadii Dhul-gariirkii March. Waxa uu dhacay waqti dheer, ugu yaraan laba daqiiqo,” ayuu yidhi Emiko Chiba.
Qurbejoog.com, Tokyo