Dhoofka Xoolaha nool oo ka bilowday Kismaayo [Daawo]
Kismaayo,14,6,2016 (QJ/SDN) – Dekedda magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhoofay ku dhawaad 1,200 oo neef oo lo’ ah, kuwaa oo laga kala keenay gobollada Jubaland.
Xoolahan oo dhammaantood ahaa lab ayaa waxaa loo dhoofinayay dalka Masar ayadoo ay dhoofinayeen ganacsatada rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubaland ee JCCI.
Maareeyaha dekedda Kismaayo Axmed Xaaji Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegayi n xoolahan laga keenay sedexda gobol ee Jubaland dhammaantoodna ay yihiin lab, wuxuuna xusay in loo dhoofinayo dalka Masar.
Maareeyaha ayaa sheegay in uu si rasmi u furmay dhoofkii xoolaha nool ee deegaanada Jubaland, isagoo sheegay in arrintan ay tahay tallaabo hore loo qaaday ilbaab cusubna u fureeysa ganacsiga Jubaland.
Deegaanada Jubaland ayaa laga helaa lo’da ugu badan ee dalkeenna ayadoo dhoofka xoolaha nool ee ka bilowday dekedda Kismaayo ay fursad u tahay dadka xoolaleeyda ah ee ku dhaqan Jubooyinka.
Xoolaha nool ayaa kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn dalkeenna, ayadoo xoolaha ka dhoofa Soomaaliya loo iibgeeyo Masar iyo qaar kamid ah dalalka ku yaal Khaliijka.