Dhismaha wadooyinku waa laf-dhabarta dhaqaalaha
Nooluhu sidiisaba kama maarmo isu socod uu isu socdaalo iyo kobac dhaqan dhaqaale ( Social Economics), hadaba akhriste waxa kobacaas door muhiima oo aan la dabooli karin kaga jira dhismaha wadooyinka, waana qayb ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ( Infrastructure).
Akhriste sida aynu la wada socono wadooyinku door muhiima ayay ku leeyihiin dhaqaalaha, waxaanan ka xusi karnaa, siday wadooyinku dhaqaalaha uga qayb qaataan, ama ugu muhiimsan.
a) Dakhli soo gala bulshada ( Income Earning)- dakhligaas oo soo galaya dadka ka shaqaynaya dhisitaanka wadooyinka, haday noqoto xoog iyo xeeladba, waxa Iyana dakhli ka soo galayaa dhamaan cida ay wax ka iibsadaan iyo cida agab ahaan laga soo iibiyo ee ganacsato ah.
b) Yaraynta wakhtiga ( Time Saving)- sida aynu la wada socono marka ay meeli wado tahay, waxa badanaya wakhtiga lagu gaadhayo, halka marka wado loo dhiso uu wakhtiga socdaalku kugu qaadanayo in ka yar intaad ku tagi jirtay kana fudud.
c) In suuq loo helo dhulkaas laga sameeyay wadooyinka ( Market Creation)- marka uu dhulku wado leeyahay waxa fudud in wax laga soo iibsado waxna loo iibgeeyo, oo uu halkaas suuq ka samaysmo.
d) Yaraynta kharasha isu socodka (Reducing Transportation Cost)- waxa aad hoos ugu dhaca marka waddo la hirgeliyo kharashka laysugu socdaalayo, haday noqoto mid alaab la geynayo ama mid laga keenayaba, in markaa ay ka yaraadaan intii lagaga keeni jiray ama lagu geyn jiray, waxa kaloo hoos u dhaca isna kharashaadka dadka rakaabka ah laga qaado, taasi oo ay sababto hoos u dhac ku yimaada shidaalka uu isticimaalayo gaadhiga xamuulka ahi iyo ka rakaabka ahiba, taasi oo ay keentay wadada fiican ee la sameeyay.
e) Bad –baadada nolosha binu aadamka ( Saving Human Lifes or Human Capital)- marka ay waddo jirto waxa aad hoos ugu dhaca dhimashada iyo shilalka aadka u xun ee ka dhaca wadooyinkeena taasi oo ay keento waddo xumo, markaa halkaas waxaa ku qudh baxa mar walba dad aad u tiro badan oo ah xoogii iyo maskaxdii dalkan ee kobcin lahayd dhaqaaalaha wadanka iyo hogaaminta bulshada, taasi oo ay ka markhaati kacayso inta siyaasi iyo aqoon yahan iyo muruq maalba leh ee inagaga baxa goor walba.
Binu aadamkuna waa curiyaha koobaad ee sameeya ama curiya dhaqaale wadan amni bulsho iyo horumar ba leh, markaa dhaqaale ( Economics) laga hadlayana waxaa door muhiima ugu jira binu aadamka kaasi oo ka mid qodobada ( Factors of production) loo yaqaano kaasi oo ah ka u aabaha ah jiritaanka dhaqaalaha.
Hadaba akhriste waxay dhaqaalayahanada caalamku isku waafaqsan yihiin, in marka la doonayo in dhaqaalaha wadanka la kobciyo ama laga soo saarayo xaalad hoos u dhac dhaqaale ah (Recesion) in la bilaabo dhismaha wadooyin cusub oo la gaadhsiiyo dhulka bilaa wadada ah ama inuun laga heli karo suuq kor loogu qaado dakhliga wadanka iyo dadkaba soo galaya, kaas oo wax ka taraya dhaqaalaha wadanka guud ahaanba, sidoo kalena xoojinaya inuu dhaqaaluhu soo kabto, isla markaana dakhligaas ay kasbanayaan dadka ka shaqaynaya dhismaha wadooyinku wuxuu ku baahayaa qaybaha bulshada, isla markaana waxa uu tarminayaa wareega lacagta wadanka taala habka loo yaqaano (Multiplier), waana mid kor u qaadi kara heerka shaqaalaysiinta iyo heerka wax iibsigaba.
Waxaana akhriste inagu waajib ah si aan labadaas faa’iido u helno inaynu taageerno, dhiiri gelinana xoog iyo xoolaba, si aynu uga wada manaafacaadsano maadaama uu wadanku xag inagu leeyahay midhahana inagu goosanayno, waxaana xusid mudan inaynu ku gaadhi karno bash-bash iyo barwaaqo taama.
Taladoynu midayniyo
Tacabkoo isu geynaa
Ku taami karnaay
Tubta noloshee
Taana ha la ogaado
Waxaana akhriste lagama maar-maan ah inaynu guntiga dhiisha isaga dhigno sidaynu u horumarin lahayn dalkeena gees walba, inagoo ka duulayna tixda ah:
Waxa taransataa
Tiro kuu galoo
Lagugu tilmaansadaa
Tacabkaaga iyo tamartaadu
Way ku tilmaamayaan
Waanay ku toosiyaan
Waxaa akhriste iga dardaarana inaynu hiil iyo hooba ku taageerno talaabadaas dhisitaanka wadooyinka ee wax u taraysa dalkeena, dadkeena iyo dhaqaalaheenaba.
Qalinkii: liban Ismail Abdilahi