|

Dhismaha Ciidanka Bada ee Dalka Liibiya oo Midowga Yurub Dhexda u Xidhay

Roma 19.May 2015 (SDN/QJ)-Wasiirada difaaca iyo arrimaha dibadda Midowga Yurub ayaa isku raacay qorshooyin lagu dhisayo ciidamo badeed oo la dagaalama kuwa dadka tahriibiye ee ka howlgala Liibiya.

midowMadaxa siyaasadda dibadda Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in howlgalka uu yahay isku day lagu joojinayo nooca shaqo ee shabakadda kuwa wax ku tahriibiya Mediterranean-ka.

Waxay sheegtay in Midowga Yurub uu raadinayo taageerada Qaramada Midoobay ee in xoog la adeegsado ah, taasi oo go’aanka lagu qaadayo howlgalka ugu horeeya lagu gaarayo kulanka Midowaga Yurub ee bisha soo socota.

Mogherini waxay sheegtay in heshiiska uu muujinayo in MidowagaYurub ay dhaqso u jawaabi karaan marka ay gaaraan go’aan siyaasadeed.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay ku dhawaad lixdan kun oo muhaajiriin ah inay sanadkan Yurub ka soo galeen waqooyiga Afrika.

Comments are closed