|

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay deegaanka Milxo ee Sanaag

Hargeysa. 11 September, 2022 (QJ)- Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday deegaanka, halkaas oo tiro 5 qof gaadhaysaa ku dhinteen halka dhaawacuna ka badan yahay.

Xogaha hordhaca ah ee Qurbejoog ka helay deegaanka ayaa sheegaya in qaraxu ahaa mid qorshaysan balse wararka ayaa iskaso daba dhacaya iyadoo aanay jirin faahfaahin kale.

Weerarkan ayaa galabta casir liiqii  lala eegtay dad shacab ah oo ku sugnaa meel maqaaxi ah oo lagu shaaho, waxaana loo maleynayaa inay ka dambeeyaan ururka Alshabaab, oo halkaas meelo aan ka fogayn ka howlgala.

Lama oga sababta weerarkan loola beegsaday deegaanka Milxo, hase ahaatee warar aan helnay waxay sheegayaan in dhawaanahan uu jiray dhaqdhaqaaqyada ciidamo deegaanka ah oo ka horyimid lacago canshuur ah oo Shabaabku ka qaadi jireen dadka deegaanka Milxo.

Deegaanka Milxo waa dhul laga baadho macdanta, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay iska- horimaadyo u dhaxeeya Alshabaab iyo ciidamo Macaaawisley ah oo aan cidna hoos tagin.

Deegaankan ayay wada sheegtaan Somaliland iyo Puntland balse labadooda midna gacanta kuma hayo.

Comments are closed