|

Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay iska Hor-imaad Laba Maleesho Beeleed ku Dhex Maray Deegaanka Wadaamo-goo

Qararro:10-Oct-2013(SDN)-Ugu yaraan inta la Hubo waxa dhintay Hal qof oo Shacab ah, waxana dhaawac soo gaadhay  Askari ka tirsan Ciidanka Bilayska Gobolka Saraar israsaaseyn laba Maleeshiyo beeleed ku dhex martay Deegaan la yidhaahdo Qararro oo ka mid ah Deegaamada hoos yimaada Tuuladda Wadaamo-goo ee Gobolka Saraar.

 

wadaantaLabada Maleeshiyo beeleed ayaa ku muransan Dhul daaqsimeed qolo ka mid ahi doonayso inay Baraagaha biyaha laga cabo ka qodato, taasoo dhinac kale ka soo horjeestay,sida ay sheegayaan shacab halkaas ku sugani.

 

Waxaana khilaafkoodu la sheegay inuu mudo soo taxnaa balse maalintii shalay iska hor-imaad hubaysani dhex maray,kaasoo sababay dhimashada Nin ka mid ahaa labada maleeshiyo iyo Dhaawac Askariga oo ka tirsana Ciidan Bilays ah oo kala dhex-galay labada dhinac.

 

Dad Goob-joogeyaal ah ayaa sheegay in Askarigan Madaxa Xabadi kaga dhacday,dhaawacisuna  culusyahay.

 

Askariga dhaawacmay ayaa la soo gaadhsiiyay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka, sida uu khadka telefoonka ku xaqiijiyay  dhakhtar ku sugan cisbitaalka Burco, waxana ay ciidanka ammaanku haatan ku guulaysteen inay kala eryaan labadii kooxood ee iska soo horjeeday.

 

Dhinaca kale,  waxa ay sheegayaan wararka aanu ilaa haatan helaynaa  in xalay ay Magaalada Burco ka baxeen Ciidamo Bilays ah oo dheeraad ah, kuwaasoo ku baxay Deegaanka shaqaaqadu ka dhacday ee Gobolka saraar.

 

 

 

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Ninka dhintay Maydkiisa la helay goor dambe oo xalay ah, sida uu noo xaqiijiyay Sarkaal dawlada ka tirsan oo aagaasi ku sugani.

 

Khilaafaadka dhanka deegaanka iyo Dhulka la magaaleynayo ee Xoolo daaqeenka ah ka dhasha ayaa inta badan geysta dhibaatooyin amni daro, waxaana sanadkii 2011-ka horaantiisii khasaare badan iyo colaad sababay khilaaf ka dhashay Berked biyood oo laga qoday Deegaanka kalshaale.

 

 S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed