|

Dhimashada Tiradii Westgate Xukuumaddu ku Sheegtay Oo Mid Ka Badan La Soo Saaray

Nairobi:1-0ct-2013(SDN)-Iyadoo ay Baaqatay kulan Masuuliyiinta sar sare oo ka tirsan amaanka Kenya ay maalintii shalay ku hortagi lahaayeen Baarlamaanka si Wax looga weydiiyo Arrintii Westgate, ayaa waxa soo Baxaya Warar ka duwan kuwii ay xukuuumaddu hore ugu dhawaaqday.

sabaaahiMadaxa guddiga difaaca baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ogaado waxa rasmiga ay yihiin dadkii weerarka ka geystay dalka Kenya.

 

Hay’adda laanqeyrta cas ee dalka Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in tirada dadka ku maqan dhismaha Westgate weerarkii lagu qaaday ay gaadhayaan 39 ruux, halka markii hore lagu sheegay 61 ruux.

Sidoo kale waxa Haatan soo baxaya warar is khilaafsan oo sheegaya in tirada dadka ku maqan weerarkaasi ay aad uga badan tahay middii ay dawladdu hore u sheegtay, waxana Haatan jira dad aad u badan oo aan raq iyo ruux midna la haynin, waxana xukuumadda lagu cannaantay inay xoog badan adeegsatay oo ay jiraan dad iyagoo caafimaad qaba lagu dumiyey meelihii ay ku gabbanayeen.

 

Shanka kamid ah dadkii weerarka ku qaaday dhismaha ayaa la aaminsan yahay inay ku dhinteen weerar ciidamada Kenya ay ku qaadeen dhismahaasi.

 

 

S.d.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed