Dhibbanayaasha Rabshadihii Xilligii Doorashooyinka ka Dhacay Degmada A/dhagax oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Daryeel-la’aan
Hargeysa: 18-Aug-2013-(SDN)- Qaar ka mid ah Dhallinyaradii ku dhaawacmay Rabshadihii ka dhashay Doorashadii Golaha degaanka Somaliland ee ka dhacay Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa, Ayaa Masuuliyiin Xukumadda ka mid ah ku Eedeeyay Balamo aan la fulinayn oo ay muddo sagaal Bilood ah u qabanayeen.
Waxa ay sheegeen inaan waxba laga qaban Dhaawaca iyo Dhimashadii soo Gaadhay Dhallinyaro ka gadoodsanaa Natiijada Doorashadii Golaha degaanka oo in wax la isdaba mariyay ay ka cabanayeen.
Cabdi Ciise Xaashi oo ka mid ah Dhallinyarada dhaawacu soo gaadhay ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo masuuliyiin kale Muddo meermeerinayeen islamarkaana aan waxba laga qaban Xuquuqdoodii.
Waxa ay madaxwaynaha Somaliland ka codsadeen inuu Eego Xuquuqdooda islamarkaana mariyo waajibkooda. “Sagaal Bilood oo xalaa xaali ah ayuu wasiirka Cadaaladda Iyo Taliyaha Boolisku lahaayeen waxbaanu idiin qabanaynaa.tiraba Afar jeer ayay Waraaqihii caafimaadka ee Adna soo qaada na yidhaahdeen oo aanu u gaynay. Dan gaara oo ay naga lahaayeen ayay waxaa u samaynayeen oo ay u lahaayeen Dadka dhakhtar u baahana waa la gaynayaa kuwa kale ee Xaq u baahana waa la xaqayaa Anagana 9 bilood ayay nagu qaadatay inaanu daba socono. Cabdi Ciise oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay inay hadda Xukumadda iyo madaxwaynaha uun eegayaan inay Masuuliyiintaasi kula socdaan Arinkan iyo Inaanay Ogayn wax u qabasho la’aantayadda. “Wuxuun baanu sugaynaa In Xukumadda ilaa madaxwaynaha Arinkan lagu wada socdo, Jananka Bilayskana waxaanu leenahay waraaqahayagii Noo soo celi Cid dambe oo aanu wax ka sugaynaana ma jirto. Anigu waan garanayaa Dadkii Xabadda nagu dhuftay Ninkii Amarka bixiyay oo Ina fadal ahna toos ayaan u garanayaa oo isagaa dee Jananka Booliska ahaa, isagaana Hawsha noo waday markii dambena wasiirka Cadaaladda ayaa ku soo biiray. Markaa inay imika yidhaahdaan Albaabka yaanay soo dhaafin oo xidha dee waxaanu filaynay maaha ahayn” ayuu yidhi Cabdi Ciise
Cabdiraxmaan Xuseen Cabdilaahi oo ka mida Dadka Hawshaasi la waday Dhallinyaradan ayaa isna sheegay in Wasiirka Caddaaladda iyoTaliyuhu hore ugu balanqaadeen in dadka Dhibku soo gaadhay wax loo qabanayo. Waxa uu sheegay in Cuqaali Waraaqo ka qaadaan islamarkaana Madaxwaynaha u geeyeen halka madaxwaynuhu ku soo celiyay in hawshooda la soo habeeyo hase ahaatee aanay Masuuliyiintii wax xil ah iska saarin.
Dhallinyaraddan ayaa 6-dii Bishii 12-aad ee Sanadkii la soo dhaafay ku dhaawacmay iska hor imaad Magaalada Hargeysa gaar ahaana Degmada A/dhagax ku dhex maray Ciidanka Booliska Dhallinyaradaasi oo mudaharaad dhigayay ka dib markii ay saluugeen Natiijadda Doorashadii Golaha degaanka.
Dhallinyaradan ayaa Taageersanaa Ururkii Xaqsoor oo ilaa hadda aan Shaacin inuu ku qancay Doorashadda inkastoo ay dhawr goor xukuumaddu wada-hadal la gashay.
Somalidiasporanews.com