|

Dhibane Mahad Abiib oo ka hadlay wixii uu Kala Kulmay Kulan uu La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yusuf Garaad oo Shaki Geliyey inuu Yahay Muwaadin Somali ah & Dhibanaha oo Soo Bandhigay Cadaymihiisii DAAWO

Oslo 20. June 2017 (SDN/QJ):- Mahad Abiib Maxamud ayaa Sheegay inuu Dhibaato Ka Haysato Sidii uu Dalkiisa Somaliya ugu Laaban Lahaa Isagoo Xusay In Dalka Norway oo uu Tegay isagoo Jira 14 Sanno ay Diideen Dhamaanba Waraaqihii aqoonsi ee Somalia oo ay Sheegeen in aanay aqoonsanayn dawlada Haatan ka Jirta Dalkaasi.

Waxa Kale oo Mahad Abiib Maxamud eedayn u soo Jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar oo Booqasho uu ku tegay dalka Norway isla markaana uu kaga qayb galay Kulan ay lahaayeen Jaaliyadda Somalida ee Dalkaasi uu Ka Shaki geliyey inuu Yahay Muwaadin Somali ah.

Comments are closed