|

“Dhibaatadii shalay ay Puntland ka gaysatay Taleex ilaa iyo hadda waa arrin taagan oo dhaawacii dadkii ay halkaasi Puntland ku laysay qaar ayaanu Hargaysa ku daawaynaa” Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi

Hargaysa 11.Jan 2014 (SDN)- Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan muddaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in dadka ku dhaqan deegaamadda Sool iyo Sanaag ee uu maamulka  Puntland ku doodayo in ay Somaliland xoog haysato in arrintaasi ay ku timid rabitaanka shacabka, isla markaana ay ku salaysan tahay xuduudihii isticmaarka.

Xildhibaan Siciid Maxamed CilmiXildhibaan Siciid oo shalay ka qayb galay barnaamijka falan-qaynta todobaadka ee idaacadda VOA-da  ayaa tilmaamay in maamulka cusub ee ay Puntland dooratay ay ka rejaynayaan in uu noqdo mid kala shaqeeya  arrimaha nabadgeliyadda, isku socodka shacabka iyo ganacsiga  sidii maamulkii ka horeeyay, arrimahaasi oo uu sheegay xildhibaanku   in ay iska kaashan jireen Somaliland iyo maamulkii hore ee Faroole.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ay dooda kula jireen xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland iyo aqoon yahan jooga dalka Maraykanka, isaga oo  ugu horayn ka hadlayay   waxa ay Somaliland ka filayso siyaasad ahaan  madaxwaynaha cusub ee Puntland gaar ahaana deegaamadda ay Puntland ku andacoonayso ee Sool iyo Sanaag.

waxa uu yidhi “Waxaan rejaynaynanaa in sidii odaygii waayeelka ahaa eek a horeeyay  Faroole uu arrimaha nabad geliyada iyo isku socodka labada shacab ee Puntland iyo kuwa jamhuuriyadda Somaliland  sidii ay ahaan jirtay aanay waxba iska bedelin, nabadda iyo isku socodkana aanu wada ilaashano. Laba sababood awgeedba filimayno haddii aanu nahay Somaliland in uu wax is-bedel ahi ku yimaado xidhiidhkii hore ee naga dhexeeyay Puntland, mana rejaynayo in ay dhibaato wayni nooga iman karto, mid anaga ayay nagu saabsan tahay Somaliland ahaan iyo awoodayada midna waa mid ku saabsan shakhsiyan ninka madaxwaynaha ah ee la doortay, ta Somaliland ku saabsani waxa weeyi cabsi kama qabo ciidan ahaan iyo shacab ahaanba in nabada Somaliland ay wax wayn u dhimi karto colaad nagaga timaada dhinaca Puntland, ta ku saabsan C/weli (madaxwaynaha cusub ee Puntland)  dhaqan ahaan waxaaba lagu ducaystaa illaah cadawgayaga ka dhig mid caqli badan, markaa C/weli waa nin mutacalim ah, haddii uu xataa cadaawad samaynayo waxaan rejaynayaa in uu caqli ku dari doono, oo waa nin garanaya diblomaasiyadda iyo xaaladda wadanka ka jirta, sidaas darted mar labaad waxaan leeyahay isagana ka rejayn mayno in waxyaabihii ka baxayay idaacadaha xiligii ay ku jireen ololaha in ay ficil isku bedeli doonaan oo uu dagaal ka ridi doono mandaqadda, sidaas darted wax dhibaato ama culays ah oo aanu hadda filanayno oo deg-deg ah ma jiraan”.

Xildhibaan Siciid Maxamed  Cilmi  waxa kale oo uu sheegay in aanay Somaliland xoog ku haysan deegaamadda uu maamulka Puntland ku doodayo in ay ay igu leeyihiin, isla markaana xuduudaha dalalka afrika oo dhan ay ku dhisan tahay tii gumaysiga.

“Runtii anigu ma garanayo meel ay dawladda Somaliland xoog ku qabsatay, bal se waa mid ku timid rabitaanka shacbiga deegaamadaasi ku dhaqan taasi ayaanay Somaliland ku joogtaa, Tan kale ee uu xildhibaanku ka hadlayo ee uu leeyahay dhibaato ayaa la gaystay  Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa mayd maxaa u danbeeyay kaa imika la sii sido, dhibaatadii shalay ay Puntland ka gaysatay Taleex ilaa iyo hadda waa arrin taagan oo dhaawacii dadkii ay halkaasi Puntland ku laysay qaar ayaanu Hargaysa ku daawaynaa, oo cusbitaalka wayn ee Hargaysa ayay yaalaan dadkii reer  Taleex ee ciidamdda Puntland   ay laayeen. Xuduuduhu waxay ku dhisan yihiin Afrika oo dhan iyo weliba kuwan ay Puntland sheeganayso xuduudihii uu sameeyay isticmaarku, markaa haddii aanay Puntland qabiil ahaan u sheeganayanin deegaamadani waxay ka tirsan yihiin Somaliland” ayuu yidhi xildhibaanku.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed