|

Dhibaatadan ka dhalatay doorashada golaha degaanka

Ma laga yaabaa dhibaatada iyo tension ka ay inagu reebeen doorashooyinkii golaha dagaanku inay ina daba socoto boqolka sano ee soo socda.
Qaranimadii, sharaftii, karaamadii iyo dawladnimadeenii intee in leeg bay dhulka gashay gudo iyo gaar ahaan dibadba
Ma laga yaabaa in ictiraaf doonisteenii ay dhulka sii gashay tii oo markii horeba siilaanyo Iyo xisbigiisu warqado cabasho ah intii ay mucaaridka ahaayeen meel walba dhigay si aan loo ictiraafin iyagoo markaasi moodayay inay Dahir Riyaale wax yeelayeen

Doorashada danbe ee madaxweynaha sidee baynu u geli doonaa, ma samaysan doonaa identity cards, ma samaysan doonaa AMA iibsan doonaa qalabka doorashooyinka ee casriga ah ee dadka aan u ogolaan doonin khiyaamo, komishanka doorashooyinka ma ka dhiganaa dad ka soo jeeda shacabka aduunyada kale, waayo dib isu aamini mayno, maadaama nimankii la dhaariyay ay sidan wax uga noqdeen.
Hadii la samayn waayo AMA la hirgalin waayo identity cards Iyo qalab casri ah, oo la yidhaa doorashada ha la galo
ma laga yaabaa in nin waliba faashkiisa la sii diyaar garoobo

Dalaayadii aynu wada hadsananaynay intee in leeg oo shaki iyo nacayb ah ayay abuurtay

Hargaysa maanta waxa dhacay in qaybina tacsi u fadhido oo caruurtoodii la laayay, xaafadna mashxarad iyo alalag baa ka socota.
Dawladu muhiim bay ahayd in ay u handle garayso ayay ahayde maxay sidan u yeelaysaa. Madaxweynaha leh si xor Iyo cadaalad ah ayay wax u dheceen waxaan leeyahay wadanka tuulo Iyo magaalo aan mudaharaad laga samayni ma jirto oo aan lays qabsan oo qaarna caruurteedii dawladu ku laysay caasimada ee xageed warkaa ka keentay, ilaa hadana jiq baa laysku yahay ee umada xal u raadi, umadan aan ka midka ahay ee ku dooratay ee waqti iyo kharashba nagaga dhamaaday sidii aanu mar uun kuu saari lahayn kursiga, hanoogu abaal gudin xabad aad madaxa oo nagala dhacdo

Dawladu in qaladka dhacay maxay ilaa hada u sheegi weyday, sheegid la, aantaasi dhibaato intee leeg bay sii abuurtay AMA abuuri kartaa

Waxaan dhacay,  xalka dawladu maxuu yahay
Siday wax u xalin kartaa.
komishan dawladu samaysatay inay erido ma tahay AMA is casilaan
Xisbiyadan sida cad loo riday karashkoodii ma loo celinayaa, sideese loogu celinayaa Iyo halkee looga celinayaa kharashkaasi.
Dawladu haday wanaag doonayso way kartaaye maxaa ka hor taagan, doorashooyinka soo socda wax ma laga badali karaa, identity card Iyo qalab casriya oo aan la khiyaamayn karin ma keeni doontaa dawladu maadaama xisbiyadii hadhay ay aaminsan yihiin in ogaan loo reebay

Sidee loo arki marka uu siilaanyo yidhaahdo sadex sano ayaan rabaa in lay kordhiyo jagada uu hayo isagoo marmarsiiyo ka dhigan doona election kan dhicisoobay, AMA isagoo intu wadanka xaalad adag galiyo yidhaahda ha lay kordhiyo, sidaan maqlay waxuu rabaa in loo kordhiyo laba AMA sadex sano.
Maxay idinla la tahay inaynu badalo labada gole oo aynu ku badalo dad wax akhriyi kara oo cilmi leh, si aan kolba chip loo gashan marka doorashadoodu timaado.
Ururada hadhay waxaan kula talinayaa gaar ahaan xaqsoor Iyo umada, waxaan leeyahay caalamkoo dhan baa arkay in ogaan la idiin reebay oo dawladu aanay rabin inaad soo baxdaan, ilayn threat baad ku ahaydeene, waxaan idinkula talin lahaa inaad siyaasadiina bedeshaan oo labada xisbi ee kale kaad doontaan ku biirtaan si aad si wada jir ah uga takhalustaan siilaanyo Iyo kooxdiisa.
Faisal Iyo Ciro waxaan leeyahay joojiya dagaalka qabow ee aad durtaba bilowdeen, ilooba wixii dhacay ee history ah, ka fikira mustaqbalka umada  iyo inaad xukunka hanataan markiina, ilayn xukunku waa wareegto eh

Talo ku socoto qolyaha xaqsoor ee dacwada u gudbinaya maxkamada caalamiga ah waxaan leeyahay joojiya oo bal horta inagu dhexdeena aan dhamaysano. Sidii kulmiye yeeli jiray berigii udub joogtay ha yeelina idinkuna. Danta guud Inoo wada ilaaliya. Aad baan uga soo horjeedaa arinkan

Comments are closed