Dhibaatada gudniinka fircooniga ah by MUUNA CABDI YUUSUF NASRA
gudniinka fircooniga ahi waa caado fol xun oo ay ku dhaqmaan dad badan oo ku nool qaarada afrika gaar ahaan soomaalidu, inkasta oo aad hadda in civilizationka aynu gaadhnay uu fure u noqday in isticmaalkiisu yaraado, haddana waxa uu ka jiraa meelo u badan tuulooyinka iyo miyiga ay degaan soomaalidu gaar ahaan Somaliland.
DHAQANKAN AXMAQA AH WAXA KA DAYRIYA DHAKHAATIIRKA KALA DUWAN, CULIMADA ISLAAMKA IYADA OO AANAY MEEL DIINTA KAGA JIRIN WAX LA INAGU AMRAY INAYNU SAMYNO. WAXAAN LA YAABANAHAY WAXA AY ILLAA HADDA DAD BADANI UGA HADHI WAAYEEN. Waxaan ammaanayaa ururada, haayadaha, askhaasta iyo guud ahaan intaaaa isu taagtay sidii loola dagaallami lahaa falkaaan cadawga ah.
Waa mid aan dheef u lahayn hablaha yar ee lagu sameeyo oo u horseeda dhibaatooyin kala duwan sida caadadada oo ku istaagta, raaxada arooska oo aanay arag iyo mushkilado kale. Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in la iska kaashado sidii loo joojin lahaa.
Waxaan si gaar ah ugu jeedinayaa wasaaradda qoysku inay ariinkan xil iska sarto una hawlgasho sidii tacadigaaas haweenkaa lagu falo loo xakamayn lahaa. Waa in la wacyigeliyo guud ahaan bulshada.
Allaa mahad leh
MUUNA CABDI YUUSUF NASRA
TELL: 4151050
HARGEYSA, SOMALILAND