|

Dhegeyso Madaxweyne Siilaanyo oo ka waramaya safarka uu Faransiiska ugu anbabaxay(SAWIRO)

Hargaysa 18.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha JSL MD AXmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay dalka isagoo socdaal shaqo ugu kicitamay dalka Faransiiska oo uu martiqaad rasmi ah ka helay.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Egal Intranational Airport ee magaalada Hargeysa ku sii dhoweeyey mas’uuliyiinta qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne kuxigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil

Madaxweynaha oo Qolka VIP-da kula hadlayey warfidiyeenada ayaa sheegay in ay u kicitamayaan dalka faransiiska oo ay madaxda dalkaasi la yeelan doonaan wadahadalo ku saabsan dhinacyo badan oo uu ka mid yahay iskaashiga dhaqaalaha iyo baayacmushtarka labada wadan.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SAFAR.mp3″]

DHEGEYSO MADAXWEYNE SIILAANYO OO KA WARAMAYA UJJEEDADA SAFARKAUU UGU KICITIMAY FARANSIISKA

 

 

Comments are closed