Dhawaaqa Nicholas Kay Maxaa Laga Dheehan Karaa?
Marka hore waxaan salaam baaxad leh u gudninayaas axaafadda xorta aha marka labaadna akhriystayaasha sharafta mudan.
Hadaan intaas kaga soo dago salaanta umaan qaadan qalinka inaan wax badan ka sheekeeyo balse waxaan u qataay inaan iftiimiyo, ama gorfeeyo hadalka sooyeedhay ergayga qaramada midoobay u qabilsan Somalia iyo Somaliland kaaso uu ku soo qaaday hadal uu maalin dhaweyd ka jeedinayay maxadka nabada ee maraykanka ee magaciisa loo yaqaan ( United states Institute of Peace) halkaas oo uu warbixin ka jeedinayay ayaa waxa uu xusay kulankii ugu horeeyay ee ku yimid Somaliland wixi uu kala kulmay kaasoo uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland is cad uu ugu sheegay inaan xafiiska uu doonayo aan looga baahnayn dalka isagoo geesta kale xusay inuu madaxweynuhu luuqad adag u gusheegay isla markaana uu ku war galiyay inuu dalka degdeg uga baxo.
Hadaba akhriste su,aasha is weydiinta leh waxay tahay maxaa laga dheehan karaa dhawaaqan ka sooyeedhay??????????
Siday u wada ogsoonahay Somaliland wax soomaray madax kala duwan oo midba meel soo gaadhsiiyay qarankan curdinka ah waxaana jirta in madaxweyne kastaa uu la soo dabaashay durrufo adag oo leh mid dhaqaale mid bulsho iyo mid caalamba haday tahay culayso kala duwan hadaba ma doonayo akhriste inaan madaxweyne walba dulistaago waayo waxay u bahaanaysaa wakhti dheer oo aan kaga sheekayno balse dulucda maqaalkeena Ayaan uga sii gudbayaaye.
Madaxweynaha maanta talada dalka haya sidaan la wada socono wuxuu ahaa gudoomiyihii SNM ee dalka xoreeyay waxaanu dhiigiisa u hooray siduu dalkan iyo dadkani ay u heli lahaayeen xoriyad iyo badhaadhe ay ku noolaadaan oo ay kaga baxaan dulmigii iyo cadaadiskii la soodarsay.
Waxa kale oo aynu ognahay inuu ahaa gudoomiyihii mudadadheer halganka ugu soo jiray siduu talada dalka u qaban lahaa madaaba uu markii hore dhiigiisa u soo huray hadana wuxuu u guntaday sidii uu dhididkiisa ugu hurilahaa
Hadaba akhriste markaad dhuuxdo ee aad dhagaysto hadalka kazoo yeedhay ergayga qaramada midoobay waxaad arkaysaa in uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland, Mundane Ahmed Mohammed MahamoudXaaji Adam ( Siilaanyo ) ay ka dhabtahay qadiyada iyo gooni isutaaga dalka taasooo ah fariin cad oo wax ku qaadasho ugu filan dadka intabadan ku dooda in madaxweynuhu uu taageero midnimada soomaaliya .
Waana fariin cad oo meel loo dhaafaaanay jiran waxaana haboon inayn gar waaqsadaan inuu madaxweynuhu hore dhiigiisa ugu huray dalkan isagoowa liba ku jira xaalad barwaaqo balse uu ka door biday inaanu isna barwaaqo ku noolaan dadkii suna aanay dulmi kunoolaan isla taas isagoo hadana ka duulaya wuxuu hadana goostay maadaama uu hore dhiigiisa ugu soo huray inuu hadana dhididkiisa u huro siduu in uun wax uga badalo xaalada siyaasadeed ee jirta.
Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi
EMAIL: Liibanhanad79@gmail.com