|

Dharagii fara badshaa waa fuud xaraarshaa!! (Faallo)

Muqdisho March 29 2013 (SDN)– Markii aad maqasho amaba aad aqriso maah maah soo jireen ah ee xiliga la taagan yahay la soo qaatay macnaa ka danbeysa in dib loosoo xasuusto, anna manta in aan maah maahdani soo xasuusta micnaha ka danbeeya waa mid sax ah oo qeyb ka ah in dalkeena Dowladnimadiisu ay cuuryaamineyso , walibana aad baan u dareesanahay soo bandhigista arintaani in ay ka xumaan doonaan dad fara badan oo aanu wada nahay asxaab, kuwaasoo aanu ka wada tirsan nahay bahda warbaahinta markii ay aqriyaan qoraalkaani.

Ugu horeentii asbaabaha keenay in aan arintaani ka hadlo ayaa ah in aan u adkeesan waayay qaladaadka faraha badan oo ay ku kacaan bahda warbaahita soomaaliyeed oo ah kuwa laga doonayay in ay ka shaqeeyaan horumarinta hanaanka dowladeed ee haatan la filayo in ay dhawaan Cagaheeda ku istaagto, balse markii aad eegto dhanka saxaafadda soomaaliya oo laga doonayay in ay qeyb libaax leh ka qaataan midnimadii soomaaliya ayaad markii aad si gaar ah u eegto waxaa kuu soo baxayo in ay dagaal kula jiraan iskaba daayee in ay ka shaqeeyaan horumarka dalka uu tiiksanayo.

Markii aan muddo dheer ka fikirayay asbaabta keentay in ay warbaahinta soomaaliyeed ay caqabad ku noqoto nabadda soomaaliya iyo houumarka uu haatan dalka hiigsanayo ayaa ii soo bexeysa in aysan saxaafadu la dagaalsaneyn dowladnimada, balse ay laba arimood keentay, hadda waa maxay labadaasi arimood.

1. In ay hey’adaha warbaahinta ay dalka si aad ah uga bateen, gaar ahaan idaacadaha, sidaasi daraadeedna ay fursad heleen dhalinyaro faro badan oo jeclaa in ay ka mid noqdaan bahda warfidiyeenada,

2. In warbaahnada ku hadla afka soomaaliga ah badankood ay yihiin kuwa jadwalada ay ku shaqeeyaan yihiin afka beelaha Soomaaliyeed amaba Ganacsatada oo haatan la tabayo in ay nabadaradi ka jirtay dalka ay qeyb ka ahaayeen.

Labadaani qodob ayaa waxaa ka dhex jira qaladaad aad u fara badan oo keeni kara in ay Bur Bur ku keento hanaanka Dowladnimada dalka iyo in ay warbaahiyaashu yihiin jaran jaradii ay shaqsiyaad ku gaari lahaayeen danaha ay dalka ka leeyeeyihiin, danahaasi oo u badan in ay dacaayad joogta ah ku sameeyaan Dowladda soomaaliya, iyadoo ay u adeegsanayaan warbaahinta gaar ahaan idaacadaha magaalada muqdisho ka jiro oo haatan tiradooda xadka ka sii bexeysa.

HADDABA WAA MAXAY QALADKA UGU WEYN EE KA JIRA SAXAAFADDA SOOMAALIYEED

Qaladka ugu weyn ee ka jira saxaafadda soomaaliyeed ayaa ah in idaacaduhu ay ka shaqeeyaan Hurinta Colaadaha, ka shaqeynta Burburinta maamul Dhisan, Buunbuuninta Beelaha dacaayadeynaya Dowladda iyo sara u qaadista Colaadaha ka jira dalka Soomaaliya, waxaadna markii aad dhageysato qodobada ugu horeeya warka kaaga soo baxaya 5 ilaa iyo 4 Cinwaan oo dagaal dhacay ah amaba saadaalinta dagaal dhici doona oo war laga dhigayo waana wax layaab leh.

Qaladka ka dhaca idaacadaha mar waliba ayaa dhab ahaantii sal u ah hawl wadeenada idaacaduhu ay yihiin kuwa aan laheyn qibrad ku filan warsameyntiisa, iyadoona ay sababtay arintaasi milkiilayaasha idaacadaha oo doonaya in aysan wax qarash ah ka baxaan, isla markaasina ay shaqada u dhiibaan dhalinyaro tabar ku jira ee ku shaqeynaya magic shaqo ku badalasho oo kaliya.

Markaani aynu eegno imisa idaacad oo FM ah ayaa laga dhageestaa ka jirta magaalada Muqdisho oo ah Xudunka dowladda Soomaaliya.

1-Radio Muqdisho

2-Banaadir

3-Kulmye

4-Shabele

5-risaala

6-VOD radio xamar

7- Simba

8-Danan

9-Mustaqbal

10-Sahan

11-Xurmo

12-Maanta

13.alwadan

14-jubba

15-muqdisho city

16-codka nabada

17-STN

18-Dalsan

19-Star FM oo Kenya ku taal

20-Goob joog

21-tusmo

22 Sky

23 Hatuf

24 Iftin

25 Gool

26 ayaan

26-barkulan

Idacadaha Caalamiga ah eek u hadla Afka soomaaliga

1-BBC

2-VOA

HADDA MAXAA XAL U AH:-

Arintaani ayaa waxaa xal u ah in ay ka midoobaan qabiirada bahda warfaafineed ee soomaaliya ayna kulan ka yeesha sidii loo yareen lahaa idaacadaha faraha ka batay ee la mooda dukaamada Ganacsiga ee lagu iibiyo raashinka, iyadoo ay la kaashanayaan wasaarada warfaafinta ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa mudan in la taageero xeerka ay dhawaan saxaafadda soomaaliya u sameysay dowladda Soomaaliya, xeerkaasoo ay ka soo horjeedaan Agaasimayaasha iyo Milkiilayaasha Idaacadaha, iyadoona qodobada ay uga soo horjeedaan ay u horeysa in saxaafada uusan ka shaqeyn Karin qof aanu wadan 10 Sanno oo waayo aragnimo ah, taasina ay caqab ku noqoneyso sii jiritaanka idaacadiisa oo ay howl wadeeno ka yihiin dhalinyaro tabar ah soona qaatay wax barasho saxafadeed oo Muddo Sadax Bilood ah.

Wasaaradda warfaafinta soomaaliya ayaa laga doonayaa in ay ku adkeesato Xeerkaani ay saxaafada u sameeyeen, xeerkaasi oo ay ay ka soo horjeedaan saxafiyiin fara badan, balse ha ogaadaano in ay taageersanyihiin in ka badan kuwa ka soo horjeedo , kuwaasoo doonaya in ay arkaan dalka soomaaliya oo la mid ah dalalka Caalamka kuna dadaalaya sidii uu ku gaarsiinlahaa isaga oo kaashanaya Qibradiisa saxafadeed.

GABO GABO

gaba gabadii waxaan u mahadnaqoyaa wasaarada warfaafinta Soomaaliya oo iyo dhamaan intii ka soo shaqeysay Xeerkaani lagu xadeynayo saxaafada Soomaaliyeed oo qaladaadkoodu iska noqday wax iska caadi ah intii uu dalka ku soo jiray Bur burka iyo inta igu fikirka ah ee ka mid ah saxaafadda soomaaliyeed ee doonaya in dalka uu ka yaraado qaladaadka ay saxaafada soomaaliya ka galayaan.

FG: warbixintaani ma ahan mid ka soo horjeeda shaqsiyaad amaba wax la mid ah oo lagu xumeynayo, balse waa mid lagu doonayo in dib loogu saxo saxaafadda soomaaliyeed si ay saxafaada dunida kale ka jirto ula mid noqonleheyd, kuwaasoo danahooda ka hormaliya danta dalkooda iyo dadkooda, idinkuna sidaasi ayaan idiin rajeynayaa.

Wabilaahi Towfiiq

Waxaa Qoray:- Najiib Cali Cumar

Najiib9@hotmail.com

Comments are closed