Dhaqaalaha Afrika oo Hoos u Dhac kala Kulmay Qiimaha Lacagaha
Hargaysa, 31 January, 2016-(SDN/QJ) :–Dhaqaalaha Afrika ayaa sii wada hoos u dhac uu kala kulmay qiimaha badeecadaha oo daciif ah, hoos u dhaca qiimaha lacagaha waaweyn iyo sicir bararka iyadoo ay jirtay saadaal ku saabsanayd in koboc dhaqaale sanadkan la fili karo sida uu shabakada wararka ee www.theafricareport.com u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.
Agaasimaha Siyaasadda dhaqaalaha ee Gudiga qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqaalaha Afrika Adam Elhiraika, ayaa todobaadkan waxa uu warbixin muuqaal ah ku soo bandhigay kulankii Magaalada Addis-Ababa ee lagaga hadlayey xaalada dhaqaale iyo rajooyinka caalamka ee sanadka 2016, waxana uu sheegay in sanadkan ay jiri karaan caqabado ka hor yimaada dhaqaalaha Qaaradda maadama deganaansho la’aanta sarifku saamaynayo lacago badan, isaga oo arintaa ka hadlayana Agaasimuhu waxa uu yidhi sidan: ‘Sanadkan cusub waxaynu waajahaynaa caqabado intii hore ka badan, kacdoonka ku jira sarifka lacagaha ayaa si tartiib ah u soo kordhayey bilihii u dambeeyey, iyadoo qiimaha badeecadaha la dhoofiyaana si weyn hoos ugu dhaceen kuwaas oo keenay khasaare 20% ah.’’ Isagoo intaa raaciyey in koboca dhaqaale ee Qaaradda sanadkan lagu qiyaasay 4.4% halkii uu sanadkii 2015 ka ahaa 3.7%, iyadoo sanadka 2017 la filayo inuu koboca dhaqaaluhu sii fadhiyo qiyaasta 4.4%taas oo cagsi ku ah horumarada saaxadda caalamiga ah.
Mr Elhiraika waxa uu sheegay in uu muuqday farqaiga u dhexeeya maaliyadda iyo hawlaha dhaqaalaha ee dhabta ah tan oo caqabado halis ah hordhigaysa dhaqaalaha caalamiga ah.
Tusaale ahaan Dhaqaalaha ugu horumarsan qaaradda Afrika oo ah ka Dalka Koonfur Afrika ayaa qiimihiisu hoos u dhacay sanadihii la soo dhaafay iyadoo cadaadis adag saarnaa lacagaha waaweyn ee adduunka, raasamaalkana hoos u dhac la soo dersay.
Mas’uulkan Qaramada Midoobay waxa uu warbixintiisa ku sheegay in saraakiisha lacagaha ee Afrika ay awoodooda isugu geeyeen inay yareeyaan hubnaansho la’aanta suuqyada ka jirta halkii ay ka xoojin lahaayeen faa’iidada dulsaarka oo uu ku sheegay inay xoojin lahayd raasmaalka sida uu hadalkiisa u dhigay, (ogow Islaamku waxa uu xaaraameeyey dulsaarka)
Si kastaba ha ahaatee Dhibaatadu ma aha mid Afrika wada saamaynaysa sanadka 2016, iyadoo Bariga Qaaradda iyo galbeedkeeda uu dhaqaaluhu sii wadayo koritaankiisa sababtoo ah xasiloonida dhaqaale ee wadamada qaarkood ka jirta.
Dalalka bariga Afrika oo ay Somaliland ka mid tahay waxay warbixinta qaramada Midoobay ka sheegtay in sanadkan cusub uu koboca dhaqaalahoodu samaynayo gaadhi doono qiyaas ah 6.8%, halka Galbeedka Qaaradana uu kobocu noqon doono qiyaastii 5.2%.
Adam Elhiraika oo siyaasadda dhaqaalaha u qaabilsan gudiga Qaramada midoobay ee la socodka dhaqaalaha Afrika waxa uu kulankii Magaalada Addis-Ababa ee lagaga hadlayey xaalada dhaqaale iyo rajooyinka caalamka ee sanadka 2016 ka sheegay in kobcinta dhaqaalaha Afrika u baahan yahay in shaqo adag laga ta qabto sidii loo dedejin lahaa yaraynta saboolnimada iyo hoos u dhigista sinnaan la’aanta. Sidoo loo baahan yahay in la kordhiyo maalgashiga caamka ah gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha nolosha aadamaha, Isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi sidan: ‘dhaqaalaha wadamada soo koraya ayaa ka koboc badan dhaqalaha wadamada horumaray, caalamkuna waa inay isu yimaadaan si ay isugu xidhaan siyaasadaha cinwaana u sameeyaan caqabadaha dhaqaalaha hor yaalla, iyagoo yeelanaya siyaasado ay ku yar yihiin xannibaaduhu’
Warbixintan Qaramada Midoobay waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ay dhaqaalaha Somaliland ay la soo deristay xaalad deganaansho la’aan ah oo ka timid Badeecadii dibada ka timid oo qiimaheedu kor u kacay xilli ay qiimaha lacagta qalaad-na si degdeg ah oo aan la filayn hoos ugu dhacday, arimahan oo keenay in Dawladu ka samayso kulamo wadatashi oo lala yeelanayey ganacsatada iyo hay’adaha u xilsaaran dhaqaalaha, sidoo kalena dadaalo badan laga sameeyey in qiimaha Shilinka Somaliland kor loo soo yara qaado.