Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda gudaha Somaliland iyo waxa la fili karo
Hargeysa. 2 November, 2022. (QJ)- Gudaha Somaliland waxa laga daremayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ak dhan ah xukuumadda Muuse Biixi kuwaas oo ka socda badi gobolada Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool, iaydoo la filayo in gobolka Maroodijeex lagu arko dhaq dhaqaaqyadan maalmaha soo socda sida xogaha aanu helnay ay sheegayaan.
Abaabulka ciidamo badan ayaa imika jira iyadoo ay jiraan beelo min kun askari yaboohaya iskuna jira dhamaan dadka diidan xukunka kali talisnimada ah ee Muuse Biixi, balse weli waxa la naawilayaa in uu aqbalo doorashada madaxtooyada Muuse Biixi.
Xogaha ay Qurbejoog heshay waxay tilmaamayaan in saraakiisha mucaaradku ay hakinayaan dhaq dhaqaaqyada qaarkood iyagoo xal raadinaya, balse dadka mucaaradka taageersan qaar ka mid ah ayaa raba in xoog lagaga kiciyo kursiga Muuse Biixi, waxyana dadku isku dayayaan in ay saraakiisha mucaaradka ku qanciyaan in ay la qaataan qoriga kadib xalka oo waxba laqgu ekeniw aayay muddo sanad ah oo madaxweynaha Somaliland diiday ergo kasta.
Somalialnd waxa ka taagan mruan xoogan oo laga cabsi qabo in uu dagaalo sokeeye sababo kaas oo saameeyay dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo nolosha dadka.