|

Dhaq Dhaqaaqa Gaadiidka ee Maalinta Beri oo la Xadiday Iyo Taliyaha Booliska oo ka Hadlay

Hargeysa 17.May 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka Boolisku ay si weyn ugu diyaar garoobeen sugidda ammaanka goboladda dalka munaasibadda 23 guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madax banaanidda Somaliland.

 

Taliyaha Booliska SomalilandTaliyaha oo caawa u warramayay warbaahinta dalku waxa uu sheegay in ciidanka Booliska oo kaashanaya dadweynaha reer Somaliland ay  si weyn ugu diyaar garoobeen adkaynta nabad gelyadda dalka.

“Xaaladda guud ee ammaanka  dalku aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay ciidanka Booliska Somaliland-na si weyn ayay ugu diyaar garoobeen adkaynta nabad-gelyadda iyo ka qeyb-galka dabaal dega xuska qaran ee sanad guuradda 23-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanidda Somaliland. Waxaan dadweynaha ku dhaqan goboladda dalka oo dhan ee muwaadiniinta ah halkan ugaga baaqayaa inay la shaqeeyaan ciidammadda Booliska iyo ciidammadda kale ee qalabka sida ee aanu bah-wadaagta nahay oo ay cidii ay ka shakiyaan la socod siiyaan ciidammadda ammaanka,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

 

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu   sheegay in socodka gaadiidka la xadiday, waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay u hoggaansamaan awaamiirta kala duwan ee ciidammadda nabad-gelyadda Waddooyinka iyo boolisku siinayaan mudada lagu gudo jira dabaal dega munaasibadda 18-ka May.

 

Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu munaasibaddan darteed, dhambaal hambalyo ah u diray saraakiisha, saraakiil ku xigeenadda iyo ciidammadda Booliska Somaliland iyo xaasaskooda waxaanu ILAAHAY uga baryay inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed