|

Dhambaal Tacsiyeed Marxuum Surwaalle. AHN

Inaa lilaahi wa inaa ilaahu raajucuun

TACSI KU SAABSAN GEERIDII MARXUUM: MAXAMED AXMED XASAN (SURWAALLE)

Anigoo ah Garyaqaan Xasan Cali Xasan (Banfas), oo ku hadlaya magaca Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA) waxaan tacsi u dirayaa Guud ahaan shacabka Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuum Maxamed Axmed Xasan oo ku magac dheeraa (Surwaalle) oo lagu aasay magaalada Hargeysa bisha 05/01/2014. Marxuumka oo ahaa oday iyo siyaasi reer Hargeysa ah magac iyo maamuusna bulshada ku lahaa. Gaar ahaan waxaanu urur ahaan tacsi u diraynaa Agaasimaha Dallada Dhalinyarada ee SONYO, Siciid Maxamed Axmed oo uu ahaa aabihii. Dhamaanna qoys, qaraabo iyo asxaabba inuu Illaahay Samiriyo Iimaan ka siiyo..aamiin..Marxuumkana in Illaahay Janatul Fardowza ka waraabiyo Aamiin…aamiin.

Comments are closed