|

Dhallinyaro Beeleed Wasaaradda Arrimaha Gudaha u Gudbiyay Ogolaansho Bannaan Bax Salmi ah,iyo Qodobo dawladu Sas ka qabto oo ku qoran

Hargaysa 17.June 2014 (SDN/QJ)- Dhalinyarada Beesha Degta Waqooyiga iyo Galbeedka Magaalada Hargeisa oo Wasaarada Arimaha Gudaha u gudbisay Warqad Ay ku Dalbanayaan Banaan Bax Salmi ah

warqada Loo Gudbiyay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran Cade oo Shabakada Qurbejoog.com Heshay Nuqul Ka mid ah ayaa waxa Lagu Sheegay in Banaan Baxan Ay Dalbanayaan Kagag soo Horjeedaan Go’aankii Golaha Guurtidu Ka soo Saartay dhexdhexaadinta Khilaafkiii Kulmiye ,isla Markaan Dhalinyaradu Tabanayso Cago Juglayn Dhinaca Xukuumada uga Imanay ,Hadaba Halkan Waxanu Idinku soo Gudbinaynaa Qodobada Ku qoran Warqada Loo gudbiyay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland MD Cali Maxamed Waran Cade Oo FaahFaahsan :-

Ku: Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha

Og: Taliyaha ciidanka booliska

 

Ujeedo: Codsi Bannaan Bax Salmi ah

Markaanu aragnay dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 32aad ee xorriyada banaanbaxa, ra’yi-dhiibashada, farqadiisa B, oo sheeaysa in muwaadin kastaa u uxor u yahay in uu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan bax, waxaanu halkan ku codsanaynaa in naloo ogolaado bannan bax salmi ah oo aanu ku muujinayno dareenkayaga ku aadan:

1-   In heshiiskii guurtidu ku soo afmeertay khilaafka xisbiga kulmiye aanu wali fulin lana dhaqan galin, iyadoo muwadiniintii siyaasada u xidhnaa wali xidhan yihiin oo ay madheera ku jiraan lana sii dayn

2-   In Mujaahid yuusuf cabdi gaboobe oo ahaa halgamaa wayn oo damaanad lagu soo daayay, dib xabsiga loogu celiyay iyadoo loo aanaynayo inuu dareenkiisa cabiray oo uu ka qayb galay xafladii crown ee odayaasha subeer awal

3-   In dhalinyaradii iyo wax garadkii beesha subeer awal ee xaflada ku dhiganaysay crown culays dawladeed la saaray si loo cabudhiyo oo aanay dareenkooda u cabirin, iyagoo loo adeegsaday askar iyo weerar cad oo lagu soo qaaday mulkiilaha hudheelka

4-   In Tvgii iyo Idaacadii qaranka loo adeegsaday dacaayadaha iyo aflagaadaynta madaxda xisbiya kulmiye

5-   In dawladu kharash badan ku bixinayso kala furfurka beesha subeer awal iyadoo adeegsanaysa shaqaalaha dawlada, agaasime ilaa wasiir

6-   Xadhiga suxufiyiinta iyo meheradaha wargaysyada hubaal iyo Haatuf

Haddaba markii aanu xaqiiqsanay dagaalka cad ee aan kala go’a lahay ee xukuumadu ku hayso hogaanka xisbiga iyo beesha subeer awal, waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu qabano bannan baxyo salmi ah oo aan kala go’o lahayn oo ka bilaabmaya hargeisa, berbera, gabiley, wajaleh iyo burco.

 

Ugu dambayntii waxaanu si sharaf iyo qadarin leh uga codsanaynaa wasaarada arimaha gudaha inay noo ogolaato isku soo baxan iyo abaabulkan aanu ku muujinayno dareenkayaga , anagoo ballan qaadayna inaanay dhibaato ka imanayn amniga waxyeelaysa, wixii ka yimaadana aanu masuuliyadeeda qaadayno

Hogaanka dhalinyarada Subeer Awal

1-   Gudoomiye C/raxmaan Xuseen Aadan

2 – Guddomiye ku xigeen C/rashiid Maxamed X.Aadan

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed