Dhallaan La Carbiyey oo Maalintii Xuskooda Ka Qiireysiiyey Marti-sharaftii|(SAWIRO)
Hatgeysa June 17,2013(SDN )- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Maxamed Muxumed (Dr Xoog) Madaxa Maxadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Maxamed Mixille Boqore, Madaxa WHO Aasiya Cismaan, masuuliyiin ka socday shirkadaha wadaniga ah ee Telesom iyo Dahabshiil
grup,gudoomiyaha degmada Maxamed Mooge iyo marti sharaf kale ayaa ka
qayb galay munaasibad lagu qabtay xarunta daryeelka caruurta ee
Mustaqbal oo ku taalla degmada Maxamed- mooge.
Munaasibadan oo ku suntanayd maalinta caruurta AFRIKA ayaa masuuliyiintii xafladan ka qayb gashay ay si wayn uga hadleen dayaca iyo dhibaatada ay qabaan caruurta darbi jiifka ah ee ku dhaqan Somaliland.
Marwo Luul Xasan Mataan oo ah hooyada maamusha xarunta agoomaha ee Mustaqbal ee degmada Maxamed Mooge, oo halkaasi ka hadashay ayaa ka sheekaysay taariikhda maalinta carruurta Afrika iyo sababta keentay in maalintan loo asteeyay, waxayna xustay in loogu tallo-galay in maalinta la xasuusto carruurta Afrika kuwooda dhibaataysan si wax loogu qabto. Marwo Luul,waxa kale oo ay ka sheekeysay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo
martay xarunta agoomaha ee Mustaqbal oo ay hadda ku jiraan boqol iyo
dhowr carruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay qaarkood aad u
yaryar yihiin, waxayna sheegtay inay jiraan duruufo ku xeeran
dhalaanka halkaasi ku jira, iyadda oo dadkii ka qayb-galay iyo guud
ahaan shacabka reer Somaliland ka codsatay inay gacan ka geystaan
sidii loo dabooli lahaa baahida carruurtaasi.
Luul, waxay xustay inay soo dhowdahay bishii Barakaysnayd ee Rammadaan, sidaa daraadeedna loo baahan in wixii sadaqo ah ee la bixinayo lala ogaado carruurtan si baahidooda loo daboolo bishaasi “Waxaanu idinka codsanaynaa inaad mashruucaa khayriga wax ka geysataan (Taakuleynta carruurta agoomaha ah ee lagu hayo xaafadda Maxamed Mooge ee Mustaqbal), anagu lacag kama doonaynaa cid kastana way u furan tahay oo waanu ku soo dhaweynaynaa inay ka qayb-qaadato Mashruucaasi khayriga ah, aayamihii khayrka ayaa soo galaya oo waa Rammadaantii, Carruurtana waa kuwii ay ku baxaysay (Sadaqadu)”ayay tidhi Marwo Luul Xasan Mataan. Marwo Aasiya Cismaan,oo ka socotay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo iyaduna
madashaas ka hadashay ayaa ballan-qaaday in wixii awoodeeda ah aanay
waxba ka hagran doonin “Aniga oo ku hadlaya Magaceyga iyo magaca
hay’adda WHO waxaan isku dayayaa wax alaale iyo wixii taag ama tamar
ah ee aan tari karo inaan carruurtaasi ku caawiyo”ayuu tidhi Madaxa
WHO ee Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen-Xoog) oo Munaasibada Xuskaasi soo gunaanaday ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay diyaar u yuhiin in ay bixiyaan dhamaan wixii dawo ah ee ay caruurtaasi u baahdaan: “waxaan ballan qaadayaa in maalin kasta oo khamiis ah aanu u soo dirno xarunta dhakhtar soo baadha caafimaadka ubadkan oo dawadiina sida,waxaa kaloo aan diyaar la nahay in aad heshaan dawo iyo baadhis joogto ah,waxaan aaminsanahay in madaxwaynihii barito iyo masuuliyiintii mustaqbalku idinku jiraan,waxaa kaloo aan soo dhiibaynaa dawada gurmadka degdega ah ee la siin karo mid kasta oo idinka mid ah oo wax soo gaadhaan xiliyada aan goob caafimaad la soo gaadhsiin Karin,waxaan hay,adaha caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobayba ugu baaqayaa in au caruurtan yaryar wax u qabtaan waa kuwa ay magacooda wax ku soo qaadaan, waayo? mid kastaaba waxay sheegtaa in ay bani’aadminimda ka shaqaynayso”.
wasiirka oo ka hadlayay fadliga bisha Ramadaan ee fooda inagu soo
haysa ayaa fariin u diray ganacsatada,xukuumadda iyo bulshada reer
Somaliland:
“waxaa inagu soo fool leh Ilaah khayrkeeda ha ina siiyee Bishii
Ramadaan waxaad ogaataan xukuumad ganacsato,iyo dhamaan dadwaynaha
reer Somaliland-moow in ay ubadkani xaq u leeyihiin in ay helaan
xuquuqda ubadkeenu helaan, in ay soomaan oo waxay ku soomi lahaayeen
inta qaan gaadhay ayaa la inga rabaa wixii baahidaa dabooli lahaa,inay
iidaan ayay xaq u leeyihiin oo la inaga rabaa, waxaanad ogaataan in
raggii ciyaaraha ee Ronaldo iyo Messi-gii berritoba ay halkana ku
jiraan”.
Intii Munaasibaddaasi socotay waxa dhex taal ahayd oo
Carruurta xaruntan lagu xannaaneeyaa soo bandhigeen Masraxiyad ka
turjumaysa Maraaxilkii iyo geedi socodkii ay soo martay noloshoodu,
laga soo laga soo bilaabo sababaha keena in ay derbi jiif noqdaan,
ilaa darxumada ay suuqyada ka soo gaadhay iyo illaa haatan ay nasiib
u yeesheen badhkood in xaruntan ay soo galaan, waxaana intii
masraxiyaddaasi socotay ku ladhnaa suugaan iyo heeso qiiro geliyey
masuuliyiintii madasha ku sugnaa, kuwaas oo ay carruurtan yaryari ku
cabirayaan noloshooda iyo waajibka ka saaran bulshadu inay daryeesho.
Tiraba Afar Heesood oo aan kala dhicin ayaa ubadkan yaryari ka
qaadeen madasha iyagoo dhammaantooda ku suntanaa noloshooda,
waayahooda iyo darxumooyinka ku geddaaman carruurta dhigooda ah eek u
dhaqan qaaradan Afrika, gaar ahaaana Somaliland.
Heesahaas waxa kamid ahaa Heestan oo uu allifay Abwaan Cabdixakiim-QIIQ, Codad baxsan oo curdin ahna ay ku luuqaynayeen Koox Carruur ah oo si qiiro leh u muujinayay dareenka ay xambaarsanayd heestu.
Mar way ku garnaqsanayaan, marna waxay kaga mahad sheeganayaan Aasaasaha Xaruntan (Maamo Luul), halka Mar kalena ay ku muujinayaan dadka kii wax taray iyo kii aan u jixin-jixin intay rafaadsanaayeen.
Waa kuwan Midhaha Heestan oo TAAG-YARI Hal-u-dhegeedu ahaa, ee dhugasho wacan:
Markaan taag yaraayeen
Taageerada dhallaankiyo
Taakuleyn u baahnayn
Derbi-jiifkii tuulnaa
Toobiyaha la mara iyo
Togga iyo bannaanada,
Toddob soo hillaaciyo
Dhaxamuhu na tumayeen
Ruuxii Wax noo taray
Iyo kaan na tebi jirin
Taariikhday ku qoran tahee
Tagtadiyo timaadada
Tusaalooyinkoodii
Waxaan tibaaxda ugu daray
Horumarkaa tisqaadiyo
Bulsho tacabka loo huray
Kii turunturoodow talo way ku seegtee
Toobiyihii habboonaa
Intaad toobad keentoo
Tiigsataa habooneyd.
Waddaniga tilmaamta leh
Tabtaa Hooyo Luul bay
Naftiisii u tabo-rucay
Taakuleynta Ubadkee
Hooya Luul Nagama Tegin
Markaan taag-darraynee
Tunka Nagu Xambaartee
Taageer Illaahoow, Aamiin,,Aamiin