Dhalinyaro weli ka sii qulquleysa Mareykanka oo ku biireysa Al Shabaab
Minneapolis Oct 27,2012(SDN)-Waxa afar sanadood ka dib weli sii socota dhalinyarada Mareykanka ka tageysa ee ku biireysa kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab.
Sidaana waxa lagu shaaciyay warbixin ay dawlada Mareykanku dhawaan shaacisay.
Sida warbixinta lagu xusayna ilaa laba ka mida dhalinyarada ku nool magaalada Minneapolis ayaa u dhoofay Soomaaliya deetana ku biiray Shabaabka.
Soomaalida Minneapolis ku nool ayay dhacdadani ku noqotay amakaag iyo filanwaa.
Mohamed Osman oo 19 jir ah iyo CumarĀ Cali Faarax oo isna 20 jir ah ayaa Minneapolis ka dhoofay bishii Julay ee sanadkan 19keedii sida FBIdu xaqiijisay.
Xogtan ayaa soo shaac baxeysa xili todobaado uun laga joogo dhegeysigii u horreeyay ebid ee Maxkamad ruux lagu soo eedeeyay in uu gacan ka geystay 20 dhalinyaro ah oo hore Mareykanka uga dhoofay kuna biiray Shabaabka.
Maxkmada ayaadenbigaa ku heshay Maxamuud Siciid Cumar ,waxaan adhici karta in uu ku muteysto xabsi daaim.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com