Dhalinyaro Soomaali ah oo Minnesota isku leynaya
Minneapolis Aug 30,2013(SDN)-Booliska Minnesota ayaa baaraya dil ka dhacay magaalada Shoreview ka dib kolkii meyd la dhigay wado ka mida wadooyinka magaaladaasi.
Dilkan u danbeeyay ayaa la aaminsan yahay in uu ku lug leeyahay dhalinyaro gobolkan ku nool oo dilal soo noqnoqday isu geysanayay.
Meydkan u danbeeyay ee la helay ayaan wax cadeyn ah oo lagu garto aan laga helin balse la xaqiijiyay in uu yahay Soomaali.
Dilkan ayaa ah kii u danbeeyay ee u dhexeeyay kooxo Gangs ah oo Soomaali ah oo la kala yiraahdo Somali outlaws iyo Madhibaan with attitude.
Dilkan u danbeeyay ayaa waxa uu noqonayaa kii afaraad ee dhawrkii bilood ee u danbeeyay ka dhaca Minneapolis.
Dilalka Maxamed Aaden,Abdifitaax Maxmuud iyo Muxuyadiin Farax ayaa dhacay intii ka danbeysay bishii July ee ina dhaaftay.
Booloska Minnesota ayaa haatan wada olole ay fariimo kala duwan ku gaarsiinayaan dhalainyarada Soomaalida.
Ciidamaduse waxa ay dhibaato kala kulmaan mar walba dhanka luuqada oo Soomaalida reer Minnesota kala kulmaan dhibaato.
SDN-Minnesota
contact@somalidiasporanews.com