|

Dhalinyaro Dhamaanee yaa Dhankeena jira?

Hello, Hooyo Liibiya ayaan ku xidhanahayn Dhul badan ayaan Haraad iyo gaajo ku soo Marnay Lacag la igu furto ii soo dir? Telephone kiba waa damay!
Hooyadina dhabanka gacanta saartey kuna fekertey meel ay wax ka doon doonto!.

Miyaanay ahayn wax laga yaq-yaqsoodo lagana diir naxo Markaynu aragno dhalinyar inala mid ah oo badaha iyo saxaraha Liibiya ku dhamaanaysa?
Fajac iyo amakaag laga soo wiiqsan karin ayey ku riday arintani waalidiin badan oo Somali ah, Sannadahan dambena waxaa sii xoogaysanaya dhumuc iyo qarana yeeshay dhalinyar aanay cidi u aabo yeelayn oo laga dal-dalaayo kana Qulqulaysa Somaliland iyagoo ka cabanaya Shaqo la’aan kaga habsatey dhan walba.

Dawlad iyo Dal kastaaba waxa uu ku dhisan yahay waa Dhalinyarta, Hadii Dhalinyartaasi Xumaato wadankaas ama Dalkaasi waa ku daayey.
Ta iska cad ee imika jirtaa waa tahriib aan ka soo waaqsi lahayn oo runtii si xun u gil gilaysa qaranka, khaasatan kuwan tahriibaya oo u badan dhalinyar hadii Maskaxdooda la tuujiyo afkaar wax ku ool ah oo lagu ceeshi karo laga soo saarayo, waa dhalinyar waalid in badan ku soo tabcayey, waa dhalinyar heer Jamacadeed wada ah, waa dhalin yar u soo samirtey wadanka Sannado badan, waa dhalinyar waayo arag ku noqotey bulshada iyo hab dhaqankeeda, waa dhalinyar isku wada feker ah hadana kala jeeda, Waa dhalinyar wax walba lagu shubi karo iyagoo cilmi iyo aqoon leh, waar halkee ayeynu ka dullaysannahay????

Markaad si qoto dheer ugu fiirsato waa Suaalo is weydiin mudan, Waxaanan Akhristayaasheyda ugu talo galay bal inay ka fekeraan oo ay is weydiiyaan halkan uu dhabarku inala toosi la’yahay?

Hadii aynu sidan ku sii socono waxaynu la mid noqonaynaa Dacawadii talaabadeedii ka tagtey tii rasuulkana gaadhi weyday!

Wadanku waa barwaaqo, Waalidkina wuu joogaa, Shaqooyinna waa buux hadana wax baa khaldan una baahan feker iyo waqti in loo huro! Waxaan feker ahaan dhalinyar iyo waayeelba u tabin lahaa Xalna u arkaa, waa marka koobaade in Alle SWT dhankiisa aynu u noqono oo aynu ku dadaalno Salaada oo ah ta kali ah ee Farjiyo kala duwan inoo furi karta niyadeena iyo maankana sifayn karta!

Tan labaad. Dhalinyar ahaan inaynu ka fekerno yeynu wadankan aynu ka sii roorayno uga tagaynaa? Yaa inoo cid ah, yeynu dhaqaale ka sugi oo aynu dhibi?

Waxaa kale oon meesha ka maqnayn Dawladeena Mugga leh inay dhalinyarta la tacaasho waxna ka qabato dadkan daad guraynaya dhalinyartii una sawiraya sawiro sahlan kuwaasoo si fudud ku marin habaabiyey dhalinyar badan!
Wax macquul ah maaha nin dhalinyar ah oo $9000 haysta hadana tahriibaya, runtii waa waxa ugu weyn ee kugu dhalin karo suaalo badan.

Nin walba iyo fekerkiis aynu u dayno oo dhalinyarta maantu iyadaa u maqan wadanka wallee cidna uma maqna ceelna uma qodnee aynu fursadaha ka faaidaysano, Allena aynu ka barino inuu ina garadsiiyo dariiqa toosan qaarbaaba u haysta halkan lagu sii yaacayo jodkii siraade!

Mahad J Mohamoud
Mahadguleid@hotmail.co.uk

Comments are closed