Dhalinyaradii dalkeena oo rafaad ugu dhamaatay tahriib is miidaamin ah!!!
Dharaaro yar ka hor ayaan ka soo laabtay socdaal shaqo oo aan ku tegay dalka Sacuudiga, gaar ahaan caasimada dalkaas ee Riyadh, Wax aka muuqda dhismayaal faro badan oo aan qiyaas laheyn iyo dhaqdhaqaaq xawli ah, waana duleedka magaalada uun dareenkaasi, badhtamaha magaaladas oo ay iigu danbaysay 2 sanno ka hor waxa ku sii batay cidhiidhiga baabuurta iyo guryaha ku yaal oo qaarkood dumeenba qaarna dumis qarka u saran yihiin, waxase aan aad ula yaabay, tirade dhalinyarada soomaaliyeed eek u soo korodhay tan iyo socdaalkaas 2 sano laga joogo.
Hadii aad timaado xaafada GHUBAYRA ee soomaalidu degto ayaa waxaad arkaysaa iyadoo maqaaxiyaha soomaalidu badanaa ka shaahayso ay hor tuban yihiin boqolaal soomaali ah oo ka soo gooshay wadanka somaliya/Somaliland.
Hadaba akhristoow waxa iga yaabiyey kumanaanka dhalinta ah eek a soo kicitimay dalkii hooyo gaar ahaan SOMALILAND, oo u soo badheedhay inay ku soo galaan dalkan boqortooyada sacuudiga oo aan shaqo iyo sharci toona uga soo horeyn, waxay u horayaan naftooda inay saxaraha u dhaxeeya Yemen iyo Sacuudiga oo khatartiisa leh, madaama wadanka Sacuudigu aad uga feejigan yahay xadkaas oo laga soo geliyo waxyaabaha mamnuuca ka ah (Hub iyo maandooriyaba), iyada oo aynu ognahay waayadan danbe iyo sida aduunku isu bedelay.
Waxa dhaci karta in rasaas nool lagu dilo, amaba gaajo ay u dhintaan amaba haraad u naf baxaan waxa dhacda oon waraysiyo aan qaaday aan ku hayaa in rag iyo dumarba jidh dil iyo fara xumaynba loo gaysan karo!
Cajiib weeye e yaa ka masuul ah dadkan iyo dalkan, miyaanay dawlada hada jirtaa ku soo gelin in ay dhalinta wacyi gelin iyo shaqoba u abuurto si looga jeediyo halaagan aan dhamaadka laheyn.
Akhriste waxaan u soo joogay 4.6 iyo 7 isku xidhan oo la soo furanayo oo ragii soo tahriibiyey lacag madax furasho ah u haystaan.
Ilaahay ayaan naxariistiisa weydiisanaynaa