DHALIIL KU WEJAHAN HAYADAHA SAMAFALKA EE DALKA KAHAWLGALA
waxaan kaga faidaysanaya wakhtigan koban een ku gudo jiro in aan habmalyo u diro dhamaan umada somaliyeed meel kasta o ay joogto farxada 52 guurada e 26 juneintas ka dib waxan mudo dheer indho indhayn ugu jiray halka ay sartu ka tolmi wayday runti baahiyo badan o faraha ka baxay way haystaan wadanka lagamana wada hadli karo mar kaliya lagumana so koobi karo faalo kaliya lakin waxa haboon in mid ba markeda laga hadlo waxa si muhiim ah marka laga hadlo mushkilad meel taala in wax laga qabto o ficilkeeda la raaciyo sidaas ayay ku nabad galaysa
waxaay diiradaydu saarnayd maalmahanba waxan lo yaqaan NGO iyo DALADAHA magacyada badan IYO kuwa hoos yimada dawli iyo bila dawli ba
runti waxan u arka in marba meel la inaga so weerarayo dad badan o dano gar ah lihina ay ku maqanyiin hadh iyo habeenba qaabti ay u curdin dhalin lahayeen dawlada socod baradka ah e somaliland iyo dhaman africa
waxa layaab mudan baahi jirta o dad badan o reer somaliland ah samaysay o aan la so koobi karin sida abaaraha, biyo la’aanta haysata reer miyiga , deegaanka iyo beeraha , xanaanada xoolaha , baraagaha / barkadaha IWM
horta waxaan aaminsanahay in aan laga faidin gaal o aw ujeedo kale ka damacsanyay safarka aw ku yimid africa lakin waxa haboon in aynu ka gaadhno ujeedadeena tiisuna aanay fulin ma haboona in ujeedadiisu fusho teenuna aanay fulin
tusaale kooban
mashruuc ayuu bixinaya kharashka ku baxaya aya la misaamaya ka dib kharashki wuxuu ku dhamaanaya hotel iyo sharab iyo shidal iyo qaad taasna waxaa u fududeeya dad badan o ka mid ah dadkan NGO yada ka masuulada ah
faido ha ahaato o way haboontahay in lakala faido o aw ka ceesho kan hotelka leh ka sharabka iibinaya ka biyaha cad iibinaya lakin ma aha in ay faidadu noqoto mid maalin kaliya ku eg maxaa ino diiday in ay noqoto mid mudo dheer ina anfacaysa o anfacaysa reer miyigeena iyo reer magaalkeenaba
dad ayaa jira masuuliyin ah o u samaystay NGO yada iyo daladaha in ay ku cunaan kharashka loogu talo galay masakiinta danyarta ah musuq maasuq manay ahayn sidaasi
waxa jirta ooon daah saarnayn in masuuliyiin badani cadaysteen inay la heshiiyan nin ka madaw ee kinyatiga ah o ay percentage ku xisaabtaman hadii aw so dhameeyo kharash ka ku baxaya mashrucaas in uu intas boqolkiba yeelanayo isagu sidaasi manay ahayn khiyaamo qaran
ta kale wali ma arag mana maqal wax muuqda o la taaban karo o ay sameeyeen hayadaha waywayn sida UNICEF UNDP etc .
o anfacaya bulsho waynta ku dhaqan deegaanka ay ka shaqeeyan wax ay u qabtaan malaha mana jirto mana la arag kharash badana way inagu so magacaaban
guul daro waxaa ah kuwa la shaqeeya ee khiyaamanaya wadankooda iyo dadkooda ee ceebaynaya ee ka soo qaadaya jaahiliin aan waxba fahmahayn oo lagu dul qorayo magacooda dheeftana gaalka iyo ka la shaqeeya e somaliga ahi ay qaybsanayan taas ayaa ceeb ugu filan
runti waxaa ah waxba kama jiraan shaqada la sheegayo ee ay la hortagan qaramada midooobay ee lagaga so qaadayo kharashaadka iyo dhibatooyin badan oo ay magacyo u bixiyeen o ku sheegeen somaliland badankooda on jirinba waxa haboon in lala shaqeeyo
o si nadiif ah loola shaqeeyo o xaqaaaga aad ka qaadato xaqa wadankaagana aad uga qaado gaalkaas
wuxuu anfacaya nafteena iyo caruurteena hadi manta mashruuc wax ku oool ah laga hir galiyo wadanka shaqo abuurid ayuu samayn kara baahi la qabay ayaa lagaga fadhiisan kara
talo ku socota masuuliyiinta HAYDADAHA AAN DAWLIGA AHAYN IYO NGO YADA
mudane / marwo daacad u noqo wadanka aad ka dhalatay ugu shaqee si hagar la’aan ah xaqa aw kugu leeyahayna sii wa waajib ku saaran
ha ku khasaarin lacag hotel iyo biyo cad o dadka lo qaybiyo o caagada invoice ka logu qoro 5 US
hir gali mashruuc wax ku oool ah o laga faido
walilahi tawfiiq