Dhalandhoolka tahriibta iyo dhugla’aanta dhalinta Qallinkii:Maxamed Xasan Daacad
“dhalinyarada cabanaysa iyo ,
Camalka loo baahday,
carigeenu waa dinyahoo,
waa Cusayb waliye,
calooshiisa dahabkaa ku jira,
cimidh u soo saara,
culimada cilmiga sayniska ah,
caanka ku ah doona,
caynaanka nimanyaw hayaa,
ceebta ka ilaasha.”
“Hanti aanad lahaynood,
Gacmaa hoos dhigataana,
Halnugayl kugu beermiyo,
Hayin layskaga guuriyo,
Hoorigii latilmaamiyo,
Hal dhurwaa ogalaatiyo,
Hebad baad noqotaa.”
Eraraydii:abwaan timacade
Waxa si aan xadi lahayn iskaga soo dabadhacaya qayla dhaanta lagaga dayrinayo masiibadan ku habsatay dhalinta dunida saddaxaad oo ah firxashadda wadanka iyo u xadhka xidhashada wadamada shisheeye.
Wadamada dadkoodu caalamka ugu qulqulka badanyihiin guud ahaan waxa ka mi ah ciraaq,afqaanistaan,falastiin,suuriya iyo soomaaliya,ku waasoo ah wadamo ay dagaalo iyo colaado halakeeyeen muddo tobanaan sanno ah.
Marka ay aynu tooshka ku ifino qaaradan afrika ee ay ka midka nahay dadyawga ku uuman, waxa la tilmaamaa in dalalka ugu qoxoontiga badan ee ku xeraraysan kaamamka qoxaantigu ay ka mid yihiin somaliya oo ah mid ka mid ah wadamada loogu yeedho (war-torn countries)ama wadan dagaalo halakeeyeen oo dadkiisii bad iyo bariba jibaaxeen si ay nafahooda uga la baxsadaan dilka,dhaca,boobka ,kufsiga iyo dhibaatooyinka argagaxa leh ee ka soconaya goobahii ay ku noolaayeen.
Waxa kaloo ka mid ah wadamada ethopia iyo ertheria oo ay ka jiraan cadaadisyo dhinaca siyaasada ahi,taas oo keentay in dad badan oo askugu jira siyaasiyiin,saxafiyiin,aqoonyano iyo shaqsiyaad kalaba ay dibad wareeg ahaadaan iyo qaar aiska diwaangaliya xerooyinka dadka qaxoonga ah lagu hayo.
Hadaba ka sakaw wadamada ay ka jiraan colaadaha iyo cadaadiska siyaasadeed,waxa jira goobo nabada iyo xasinoolida lagu majiirto oo hadana d’ayartii lahayd ay si wayn uga boqooleen sida Somaliland.
Su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxa ay tahay maxaa uu daaranyahay firxadka ka dhanka ah wadanka ee ay samaynayaan dhalintii wadanku?
Waa halkii waraabihiiye “ma inagaan roorayn?ma raybadaan raybadii ahayn?mise rimaygu ka soo dhacdii baan run sheega hayn?
Ma inaga(dhalinyarada ) u darbanayn diyaarna u ahayn in aynu xirfadeena iyo xoogeena ku meel marno oo noqona dad ishanta oo dantooda,ta dadkooda,ta dalkooda iyo ta diintooda aan diyaar u hayn in darayada iyo diihaalka ka dhawraan?mise dadkan,dalkan ,diintanba maba aaminsanin in ay inaga saarantahay daryeel iyo difaacid?
Mise xukuumadeenan aynu cod iyo caynaanba u caleemo saarnay baa inoo dhabar jeedisay oo ay naan qorshaaba ugu jirin? Waa halkii uu lahaa heestii uu ku luuqayn jiray XASAN AADAN SAMATER ee erayadeeda ay ka mid ahaayeen “mise eeri go’an iyo,
Anaa ay jafaayee,
Alif macalin tira iyo,
Eber weeye hawshuye,
Iridii maxaa xidhay,
Ayaa eeda loo tirin,
iridii banaanaa,
ma dad ooday baa jira,
ma uurkaa la ii dabin,
ma afareer magaaloo,
laygu aamusiin baa,
ma anigaa irdhooboo,
samirkaa idlaadoo,
wax ka eegay meel kale,
ujeedadu maxay tahay?
Ujeedadu maxay tahay?
Ha yeeshee dad badan oo ka mid ah xeeldheerayaasha bulshada ayaa aaminsan in masiiban ku habsatay dhalintii dalka ay bud-dhig u tahay dhawr arimood oo is-barkan kuwaas oo lagu soo koobi karo arimahan soo socda:
1-hiyi-kac saameeyay da’yartii oo ah in aan wadanka waxba oolin oo nin aan yurub tagini aanu tan(Somaliland) aanu ka ceeshayn oo caynaana loo cumaamadayn ilaa uu cariga yurub ka soo casheeyo.
Waxaan xasuustay heestii ay sida halaasiga leh ugu luuqayn jirtaay HOOBALADII laga dabadhacay ee AAMINA C/LAAHI XIRSI ee ay erayadeeda ka mid ahaayeen :”wabi bayla sara tagay ,
Wadadiina ka amday,
Sida weel dalooshamay,
Biyo looga waabiyaa,
Waanaduna I dhaafdaa,
Culimda wanaagsani,
Cama iyo watiin iyo,
Waduxaadiyoo idil,
Haday igu wareejaan ,
Walbahaarku ima dhigo,
Wahab baygu yururoo,
Waabayla igu wacan,
Sidii aanan waalayn,
Imaydaan waraysane,
Waa haay naf uu sido,
Wali hadaad ugu yeedhaan,
Ma wax buu tarayaa?
2-jiritaan la’aanta siyaasad cad (clear policy) oo u dajisan dadka ay umaddu hogaanka u igmatay oo ka dhamaan waayay boobka iyo bililiqaysiga hantida umadda oo kolba dar hor leh tuunbada afka loogalinayo halkii qorshayaal togan oo wax loogu tarayo dhalintan dhabarjabtay ay imikana soo if- baxday in ay duub-cada ay naasnuujiso si ay iskugu daydo hor-istaaga kooxdan isu bahaysatay xakamaynta iyo tooj-ku ifinta dhaliilalaha dhako-mayd.
Waxaana muuqata in aanay habayaraatee jirin wax dhugmasha ah oo u dheelman dhiiri-galainta iyo u dhabar-jilayca dhalinta.
Taas oo niyad jab aad ah iyo quusba gaadhsiisay dhalinyaradii dalka ee bari ka maalin lagu nasanlahaa wadankana hir-barwaaqo iyo gurya samo u hogaamin lahaa.
Hadaba side xeedhana xeedho u noqataa ilkana u nabad gala?sidaynu si wadajir ah u badbaadin da’yartan le’enaysa?isla markaana loo dawaynkaraa tabashooyinka dhalinta?
Su;aashaa jawaabteedu ma aha mid inaga fog hadii maskax furan oo fayaw lagu dhugto.
Ma ku haraad baxaynaa dhuuniga dal shisheeye?jawaabta su’aashaa aan ka dhex doono badwaynta sugaaanta somaaaliyeed sawkii timacade lahaa:
“madhax malaha aadmigu wuxuu ,
kuu mitidiyaaye,
macaluul waxkaaga taraan ,
maal laguu guraye,
midigtaadu waxay xoogsataa,
maydha kaa jara’e,
marko aanad lahayn looma lulo,
maanka waligaaye,
magaabada hashaadaa ka roon,
maydhanaan kale eh”.
Tuducyadaa dhaxalgalka ahi waxa ay inoo muujinayaan sida ay muhiimka u tahay in uu qofku wadankiisa aamino oo tamar iyo tacaba galiyo.waa halkii maahmaahdii somaaliyeed ee ahayd “lama huraan waa caws jiilaal” oo macnaheedu noqanayo in halka ina hurani tahay wadankeena duruuf walbaaba haynagu haysatee u dhabar adaygeeduna ay tahay mid inoo dhex ah.
Waayo wadamadan caalamka mid kastaaba uu soo maray daranyada iyo diihaalka ina hasta,aynu soo xigano erayada abwaankii somaliyeed:
“Circa nimankan sahanka u diree,
Caadka ka hayaamay,
Cadceediyo dawladahan,
Caawa kala sheegtay,
Caynkeena soo wada mariyo,
Caado liitaha,
Cilmigii ay ku gaadheen,
Rag waa ku cibra qaataaye,
Carfi wuxu ka muuqdaa,
Shacbiga caafimaad qaba’e”.
Ugu danbayntii aynu u istaagno horumarinta dalkeena iyo dadkeena is aynu ula tartatno dhigeena.
Waxa qallinka u qaatay: Maxamed Xasan Daacad
Hargaysa,Somaliland.