|

Dhakhaatiirta aan xadka laheyn oo ka horyimi qorshe Kiinya ay Soomaalida dalkooda ugu celineyso

Nairobi Oct 02,2012(SDN)-Hay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda laheyn  ayaa cadeeyay in qorshe ay dawlada Kiinya dooneyso in ay Qoxootiga Soomaalida ah ee dalkooda ku sugan ugu celineyso Soomaaliya.

Hay’ada ayaa qabta in Soomaaliya aaney weli ka jirin xasilooni la isku haleyn karo oo lagu gaarsiin karo gargaarka qaxootigani u baahan doonaan.

“Qabsashadii Kismaayo ka dib dawlada Kiinya waxa ay dabada ka riixeysa qorshe ay Soomaalida dib ugu celineyso dalkooda,anagu taa waanu ka soo horjeednaa waana degdeg,dad kani waxa ay geli doonaan xerooyin qaxooti oo Soomaaliya ku yaal,waxaana weli socda dagaalo aan saamexeyn in gurmed la gaarsiiyo dadkan”sidaa waxa yidhi madaxa MSF ee Kiinya Elena Velilla.

MSF ayaa sidoo kale waxa ay ka cabateen xanibaad ay dawlada Kiinya ku soo rogtay qaxootiga cusub ee gaara xerada Dhadhaab.

Kiinya ayaa joojisay in qaxooti cusub laga diiwaan geliyo xeryaha,taasina waa jebin xeerarka qaxootiga ee caalamka.

Hay’ada MSF ayaa sidoo kale walaac ka muujisay dhimida deeqahii ay bixin jireen hay’adaha QM u qaabilsan qaxootiga.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed