DHAGEYSO: Wasiirka Gaashandhigga oo ka warbixiyay kulan ay maanta Gudigga Farasamada ku yeesheen Muqdisho
Muqdisho Jan 22 2013 (SDN)– Wasiirka Gaashandhigga dowladda Soomaaliya ayaa faah fahin waxa uu ka bixiyay kulan ay maanta Garoonka Diyaarada Muqdisho ee Aadan Cade ku yeesheen Gudiga Farsamada Ciidamada Milateriga Soomaaliyeed kaasi oo ay uga hadleen arrimo badan oo muhiim ah.
C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa tilmaamay in waxyaabihii ay ka hadleen oo muhiim ahaa ay ka mid ahaayeen sidii mustaqbal loogu sameyn lahaa dhaliyarada Al Shabab ka soo baxeysa, isagoo kuwa hada ku jirana ugu baaqay in ay ka soo baxaan oo ay dadkooda ku soo laabtaan.
Sidoo kale wasiirka waxa uu sheegay in ay ka hadleen sidii Soomaaliya xayiraada hubka ay saarran looga qaadi lahaa si ay ciidamada ugu suuragasho in la dagaalamaan cadowga dolwaada Soomaaliyeed.