|

DHAGEYSO: Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo sharxaya qaabka maamulo loogu sameynayo degmooyinka iyo golada laga saaray Al Shabaab

Muqdisho Jan 22 2013 (SDN)– Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuled oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxa uu sharaxay qaabka wasaaradiisa ay u qabaneyso shaqda golaha wasiiradu ay u igmadeen ee ah maamul u sameynta gobolada laga saaray Xarakada Al Shabaab.

Mr. C/kariim ayaa sheegay in Mas’uuliyada loo igmaday islamarkaana dowladdu ay leedaha ay tahay in ay la socoto oo ay kor ka eegto maamulada la sameynayo waxana uu tilmaamay in dadka deegaanka ay u madaxbanaanyihiin maamulka deegaankooda ama degmadooda.

Hadlka Wasiirak wax uu imaanayaa waqti yar kaddib markii uu Kismaayo ka hadlay Axmed Madoobe oo uu sheegay in go’aanka golaha wasiirada ee ah maamul u sameynta gobolada iyo degmooyinka uu yahay mid majaxaabinaya dadaalka maamulkisia KMG ah uugu jiro maamul usameynta Kismaayo iyo Jubooyinka.

Hadaba Waa sidee qaabka Maamul usameynta ee ay golahala wasiiradu go’aanka kugaareen?

Halkan Ka Dhageyso Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

Comments are closed