Dhagaxbuur: Askar isku dishay khilaaf ka dhashay gabadh
Dhagaxbuur, 26, May 2012 (SDN)-Laba askari oo ka mid ah ciidamada Dawladda Itoobiya, isla markaana ku sugan D.D.S magaalda Dhagax-buur ayaa is-rasaasayn dhexmartay ka dib mid ka mid ahi ku dhintay rasaastaas.
Labadan askari Wadhofidar iyo Gebru ayaa sida la sheegay isku khilaafay gabadh, taasoo sababtay in mid ka mid ahi gaysto, waxaanay wararka deegaankaas ka imanayaa sheegayaan inay ciidmada boolisku gacanta ku dhigeen askarigii dilka gaystay.
Askartan ayaa sida la sheegay ilaalo gaar ah u ahaa shirkad ka shaqaysa dhinaca wadooyinka oo xilligan hawl ka wada magaalada Dhagaxbuur oo ka tirsan D.D.S.
SDN, Dhagaxbuur