|

Dhacdooyin La Yaab leh Oo Keenay In Ciidanka Seerra Leone Ee Somalia ay Codsadaan in Dalkoodii lagu Celiyo

Kismaayo:May,12,2014(SDN/QJ)-Sida uu Qoray Wargeyska lagu magacaabo Africareview, Ciidamada Waddanka Seorra Leon ka jooga Somalia ee haatan ku sugan Gobolka jubada Hoose, ayaa codsaday in Dib loogu celiyo dalkoodii Hooyo.

telkaWargeyska oo soo  xiganayey askar  ka tirsan ciidanka Sierra Leone  ayaa sheegay in ciidamada Sierra Leone  ay ka cabanayaan arimaha ay ka mid yihiin arrimahan Hoos ku qoran:

1 – Mushaharkooda oo aanay u helin si la siman kuwa Ugandha,

2 – dagaalka joogtada ah oo ay kula jiraan Al-Shabaab

3 – Cudur xaga dhimirka oo ku dhacay qaar ka mid ah ciidamadooda.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee  Sierra Leone, Col Michael Samura ayaa wax laga weydiiyey codsiga ka imanaya askarka  Ciidmada Sierra Leone ee ku sugan Soomaaliya wuxuuna sheegay in isbadal ay ku sameyn doonaan ciidamadooda bisha June 2014 ayna qeyb ka ahaan doonaan howlgalada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidmada Sierra Leone  ayaa waxaa ay ku soo biireen howlgalada ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM sannadkii  2013 waxaana ay ka howlgalaan gobalada Jubooyinka.

Arrintan ayaa haatan si weyn  looga Hadal hayaan Gobolada Jubbooyinka, waxana la is weydiinayaa Sababta keentay in ciidankani ay la kulmaan Duruufahan gaarka ah ee ay sheeganayaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed