Dhacdo Naxdin Leh: Xaafadaha Sheedaha iyo Siinay ee Hargaysa oo laba Nin oo Dhallinyaro ahi Xalay iyo Saaka ay isku daldaleen
Hargaysa 18.Aug 2014 (SDN/QJ)-Waxa Saaka iyo xalay magalada Hargeysa lagu waa bariistay dhacdooyin isku mid ah oo walaac iyo layaab ku noqday dad waynaha magalada Hargeysa.
Dhacdooyinkaasi oo ahaa in ay laba nin oo dhalinyaro ah ay isku dal-daleen xaafado ka mid ah magalada Hargeysa Gaar ahaan sheedaha iyo Siinay.
in kasta oo aan u jeedada ay isu dal daleen la garanahayn ayaa waxa ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi in dadkani ay ahaayeen,dad marka hore caqligooda qabay balse ilaa hada aan la garanahayn u jeedada ay u isu daldaleen ee ay u soo afmeereen noloshoodii ifka.
Ninka isku daldalay Xaafada Siinay ayaa Shakhsi ka mid ahaa dadkii arkay ayaa Shabakada Qurbejoog.com waxa uu sheegay in Ninkan oo ka shaqaysan jiray dhisida Guryaha uu saaka isagoo agabkiisii wata u yimid Guri ay Walaashii degen tahay Markii uu Macsalaameeyayna uu tegay goob aan ka fogayn oo geed weyni ku hoos yaal isla markaana lagu war helay Isagoo del delan waxaanu intaas ku daray in Ciidanka Booliska oo Goobta yimid ay markii danbe Xidheen Walaashii oo ka dul Muusanaabaysa Meydka Walaalkeed.
maaha markii ugu horeysay ee la arko qof is dila magaalada Hargeysa balse waxa yaab noqotay iyadoo aan in dhawayd la arag in hal mar ay laba dhalinyar ahi is ku dal dalaan meelo kala gadhisan
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com