|

Dhacdo Cusub Magaalooyin laga Hirgaliyay Gaadhi bas ah oo Ku Shaqeeya Saxarada dadka.

London 07.March 2015 (SDN/QJ)- Shidaalka faraha badan ee lagu qubo magaalooyinka wax ka dhasha dhibaato caafimaad mid deegaan iyo midda ugu wayn ee maanta adduunku ka welwelayo oo ah wasaqaynta naqaska ama hawada ay nooluhu qaataan dhir iyo xayawaanba. Dadaalada lagu yaraynayo awood ka dhilinta shidaalku waxa ay ka socdaan meelo badan oo ka mid ah dunida.

saxaroHaddaba dhowaan Biriten waxa ay billowday dhawr howleed (Workshop) kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu dhimo gubashada shidaalka oo dhaqaale badan ku kaca, islamrkaana halis caafimaad u horseeda bani’aadamka.

Mashaariicda ay Biriten ku yaraynayso awood ka dhalinta shidaalka waxaa ka mid ah Baska Bio Bus oo ku shaqaynaya saxarada bani’aadamka halkii uu uu adeegsan lahaa shidaal.

Warkan oo Biriten ka ah mid farxad leh ayaa lagu qoray wargeyska Zoud oo laga leeyahay Waddanka Germany Si loo muujiyo in Bio Bus in uu ku shaqaynayo saxarada bani’aadamka waxa xagga sare lag sawiray ee saqafka Baska lagu sawiray dad ku xaajo gudanaya musqulaha Bio Bas, taas oo wadata tusaalooyin muujinaya in Basku adeegsanyo shidaal ahaan saxarada qofka, sidaa awgeed qalab outamatic ah oo ku dhexyaal musqusha ayaa u mahadcelinaya qofka ku saxarooda Musqusha, iyada oo saxaradiisu ay qayb ka noqon doonto shidaalka Baska.

Bio Bas ayaa markii ugu horraysay ka qaaday dad safar ah magaalada Bath kuwaas oo ku jeeday garoonka diyaaradaha ee Bristol Salbatooyada Bio Bas waxa ay qaaddaa saxarada 40 qof, waxa uuna isticmaalayaa saxara shan qof masaafo dhan 300 km Shirkadda Geneco oo qaabilsan awood ka dhalinta hadhaaga noolaha sida, bani’aadmaka, xoolaha, dhirta iyo cayayaanka ayaa soo saartay Bio Bus.

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed