|

Dhabqiye uma baahnin Ka Fog Kana Reebban Siyaasad

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Email: fatxisulub@gmail.com Tel:063442681 Qormadii 2aad

Maqaalkeenii axaddii hore, aynu ka hadalnay, ee ciwaankiisu ahaa ‘erya, erya, eryaay, dhuuso-nuug eryaay.’ maqaalkaas oo inoo socda, waxa ugu waa weyn ujeedooyinka aan ka leeyahay:

  1. In dadka mutacalimiinta iyo dadka Ilaahay wax siiyey ee reer somaliland inaan ku boorriyo waxqabadkooda inay saddex jibaaraan, taasi oo baahi wayn loo qabo.
  2. Inay dowladdu sii laba laabto saaxadda iyo waajibaadkeeda qoddobkan sare uu ku fulaayo.
  3. Inaynu boogaheena inagu dhayano, oo aynaan cid kale gacan ka sugin. saddexdaa qodob si aan iskugu keeno, ayaa waxaan qoray maqaalkan, anigoo allifay sheekadan, oo aan ahayn mid run ah, taasoo aan ku kasbanyo fahanka ujeedooyinka qoddobada kor aan ku xusay.

Sidaynu soo sheegnay dumarka jaadka iibiya, ee ay ku kaliftay dantu, inay jaadka iibiyaan, oo ay suuqa fadhiistaan, islamarkaana ay 10 saacadood in ka badan dul fadhiyaan kollayga, si ay jaadka u iibiyaan, iyagoo xannuuno badan ka dhaxla fadhiga badan iyo tigtignaanta ay tigtigan yihiin awgeed.

Waxa kale, oo ugu darsamay xannuunadaas, oo aad arkaysaa, haddii aad u fiirsato kollayada dumarku qaadka ku iibiyaan badankooda farsamooyin cusub, oo la bartay, oo inta kollaygiii jaadka lagu iibineyey la farsameeyo ,oo kollayga dabadiisa la goglo, oo la qurxiyo , halkaasna ay fadhiistaan ragga jaadka laga iibinayaa. dhaqankan cusub ee ah in dumarka jaadka iibiya raggu ay daba fadhiistaan, oo ay barbar fadhiistaan waxay waxyeello xoog leh u gaysanaysaa anshaxii wanaagsanaa, milgihii dumarnimo, xishoodkii dumarka iyo xannuuno ay ku keeni karto dumarka jaadka iibiya, maadaama aanay nuuxsan karayn, oo jidhkooda oo dhami isku wada jiro, halkaasna uu uga imanayo culays xoog leh.

ku soo noqo waxyaalaha ay aragtay Sahra Miciin, ee ku saabsan dhibaatooyinka haysta dumarka qaadka iibiya, ee ay ka seexan wayday, iyadoo doonaysa inay wax u qabato dumarka jaadka iibiya.

Maanta waxaynu ku soo qaadan doonnaa sheeko aan runa hayn si dhab ah uga turjumaysa dhacdooyinka iyo duruufaha haysta dumarka qaadka iibiya, waana tan:

Kani waa kollayga jaadka, ee Waris cabdilaahi leedahay, waxa dusha kaga xardhan magac far-waa-weyn ku qoran, oo ay u bixisay ‘ARWAAXIGA’. Waris waxay qaadka iibinaysay 5 sanno. Waa gabadh dhalinyaro ah, waxay leedahay laba carruur ah. inkasta, oo ay kala tageen carruurteeda aabbahood. carruurtu kama hesho wax daryeel ah aabbahood, mana oga xaaladda ay ku sugan yihiin.

Waris waxay u soo kallahdaa sidii carruurteeda iyo nafteeda ay ugu raadin lahayd quutal-daruuriga. waxay ku qanacsan tahay shaqadeeda, maadaama aanay hayn wakhtigan meel kale, oo ay uga wareegto.   islamarkaana ma jirto wax aqoona ama farsamo ah, oo ay leedahay. Waxay timaaddaa kollayga 8:00AM subaxnimo ilaa 9:00AM subaxnimo. waxaana meesha yar, ee ay fadhido u sii hagaajiya, oo rusheeya inan yar, oo ay mushqaayad ku siiso, isagana shaqo u ah, magaciisana la yidhaahdo Cabdille. kollayga Waris waxa ka dambeeya, oo ay samaysatay meel yar, oo qurux badan, oo la fadhiisto. maanta waxa fadhiya 3 nin, oo wastaadiin ah iyo 2 nin, oo kuuli ah. shantan nin waxay todobaadkii u dambeeyeyba qaadka ka sii amaahanayeen kollayga Waris. waxay qaadka kaga qaataan oo ay ku aamintay markii ay ku yidhaahdeen nin xaafadayada ah, ayaa guri halkan dhisanaya, maadaama shaqaalayntiina ay noqotay qabyaalad. Markii ay soo fadhiisteen, ee ay gabadhii lacagtii waydiisay qaadkii ay amaahanayeen maalmahan iyo waxa ku dhacay, waxay ku yidhaahdeen ‘hawshu sidii kale waa ay fiican tahay laakiin warqad yar, ayaa ka dhiman guriga la dhisayo, warqaddaas, ayaa naga yara habsaantay waanu bilaabi lahayn shaqadee, ee noo yara dul qaado ilaa berri’. iyadoo qalbiga ka diidan hadalka ay yidhaahdeen, ayey iska aamustay, illeyn lacagteediibaa ku maqane. nimankani ma oga, mana dareensana siday uga werwersan tahay lacagtan amaahda ah, ee ka maqan iyo siday iskugu dabbarto ama iskugu celceliso qaadkan yar, ee ay iibiso. waxay bilaabeen  sheeko mirqaankii. waxaanay ka sheekeeyeen sida loo siiyey qandaraaskan guriga (contract) iyo shaqadu siday noqonayso iyo inta ay soconayso. Markaa Werisna waxay ku qasbantahay inay sheekadaa mirqaanka ah, ee aanay waxba ugu jirin inay dhagaysato saacado badan.

Markay mirqaameenna jaad kale, ayey ka sii amaahdeen, maxaayeelay waxay rajo ka qabtaa, inay berri shaqada bilaabaan, sidii ay u sheegeen.

Tacaddiga haysta, werwerka ay qabto Waris iyo duruufta reerkeedu wax lamalayn karo maaha. Waxa kaga sii daran amaahda qaadka laga amaahanayo, caajiska, maxaa yeelay ma kala bixin karto lugaha ama jidhka, oo way is dhowraysaa, waxaanay huwan tahay xishoodkii dumarka lagu yaqaanay. kolba waxay hagaajisanaysaa marada, curuuqdeeduna way iswada galeen, taasi oo ku keeni karta xanuuno xagga maskaxda ah iyo jidhkaba. waxay u baahan tahay daraasad la sameeyo.

Kan kalena, waa kollayga Faadumo Suudi. waxay isku dhow yihiin kolayga Waris, waxaaanay u bixisay Alla Aammin.’ axa uu u samaysan yahay sidii kollaygii Waris. Waxa maanta fadhiya dhowr nin oo dilaaliinta dhulka ah, waxaanay ka sheekeeyeen dhulkii ay beryahanba daba-socdeen ee ay jaadka u sii amaahdeen inay daqiiqadii u dambaysay ay kala kacday arrintoodii. Waxaana is haleelay Faadumo Suudi oo dayn badan ku leh iyo iyagoo waxay ka shaqaynayeen maalmahan ay kala kaceen. faadumo suudi waxay leedahay 10 carruur ah, oo agoon ah, waxaana u soo kallahda iyada oo masuul ka ah, majiraan cid kale oo wax tartaa.

Faadumo oo gabadh wayn ahi ma hasato cid ay kaga sii tagto kollayga, haddii ay saacad guriga ku noqon lahayd ,oo ay carruurta soo eegi lahayd ama ay soo yara nasssan lahayd. Sidoo kale mahaysato qof reerka uga sii masuul noqda. Xanuunada hayana waxa ka mid ah indho xanuun, jilbo xanuun iyo jidhka oo dhan oo wada damqanaya, fursad ay dhakhtar ugu tagtana may helayso, dhibaatooyinka ay Faadumo qabto way ka wada siman yihiin dumarka qaadka iibiyaa, waxay kaga tagaan qaadka ama ay joogaana ma garanayaan, dumarkaa qaadka iibiya mashaakilkooduna waxkaqabasho weyn ayuu u baahan yahay.

Labadan dumara, ee aynu ka sheekaynay, oo laba kollay, oo isku dhow qaadka ku iibiya, ayaa waxay soo wada raacaan bas subaxdii ilaa 8:00AM arrorrnimo, si ay u tagaan goobtii ay qaadka ku iibineen. markii baska la soo wada raacay, ee laysa salaamay, ayey Faadumo tidhi ‘waxaan la yaabanahay markayga horaba waxa I sudhay, dilaaliintan dhulka iibisa, ee kolaygayga ku qayila xagiisa dambe.’ markaasay ku tidhi gabadhii kale ee Waris ‘naa waxa ka daran war mahayside, wasdaadiinta iyo qaldawadayaasha kollaygayga fadhiista, oo ilaa 6 cishaba jaadka amaah igaga qaadanayey, oo guri bangalo ah oo ay dhisidiisa  sugayeen kolba ay ii sheegayaan, oo ay leeyihiin barribaa la bilaabayaa, wallaahi jaadkii lacagtiisii way igu badhgooyeen, oo waan ka werwersanahay inay maanta bixin doonaan.’ Tii kalaa tidhi ‘waxaan nacay rag intay jaad kaa amaahdaan halkaaga dambe fadhiisanaya, oo marka ay mirqaamaan naagahooda ka sheekaynaya.’ markaasay Tii kale tidhi ‘Wallaahi wixii Soomaali kaa galay ayaaba iska dhib badan, oo aan sahlanayn.’

Markii ay kollaygii timi Waris, ayaa qoladii wasdaadiinta ahaa ay kolaygii yimaadeen, qaadkiina iska qateen. markaasay waxay ku bilaabeen sheekadii wixii ay gabadhani maqli jirtay maalin walba. mid Cukuse la yidhaahdo, oo wasdaada ayaa ku yidhi kii kale ee isna wasdaadka ahaa ‘kan qaldawadaha, ee aad noo keentay mid wax garanaya muu ahayn, wuxuu noo gaystay ninkaasi, gidaarkii oo dhanbaa wada dildilaacay.’ Markaasaa gabadhii jaadka iibinaysay ay ugu jawaabtay, iyadoo cadaynaysa indhaha , ‘haddaad maanta bixin waydaan lacagtii aad qaadanayseen lixda cisho, kollaygaygu wuu xidhmayaa, ee maanta kala bixi mayno, illow iyo illowba lacagtii ii keena.’

Halkaa waxaad ka arkaysaa, in dumarkii qaadka iibinayey xaaladoodu ay cakiran tahay marwalba, dhuuso nuuggii aynu sheegnayna silsislad bir ah ku haysto jaadlaydii, oo ay miciin iyo gargaar degdega u baahan yihiin.

Sida caadada u ahaydba Sahra miciin, oo muxaadiro dumarka uga jeedinaysay masaajidkii waynaa, ee aabbeheed dhisay maalin jimce ah, ayaa waxay soo fadhiisatay salaaddii Casar ka bacdi dumarka hortooda, oo meel la kala fadhiisto la waayey.

Waxay bilowday muxaadarada. Waxaanay sheegtay in marwalba  loo baahan yahay saddex arrimood. Ta hore, oo ay sheegtay in fadliga ugu wayn, ee Ilaahay uu siiyey yahay, inuu marka hore qof muslim ah kaa dhigay,  mar-labaadkiina Ilaahay inaga dhigay ummaddii Nabi Maxamed (CSW), ee ugu fadliga badnayd. Waxaana loo baahan yahay ayey tidhi markasta iyo meelkasta oo ay nu joogno iyo  mar kasta oo aynu seexanayno iyo markasta, oo aynu  soo toosno, inaynu shan jeer Ilaahay ugu mahadnaqno muslinimada iyo ummadda Nabi Maxamed, ee Ilaahay isku keen raaciyey.

Qudbaddii oo ay wali waddo, oo ay dumarkiina dhegaha wada taagayaan, oo la shanqadh daayey, ayaa waxay ku soo gunaanadday hadalkeeda oo ay tidhi, ‘waa inaad dadka wanaaga fartaan, xumaantana ka reebtaan, oo aydaan dhayalsannin arrinkaa.’

Dhinaca kale, maalintaa waxa balansanaa Sahra Miciin iyo ninka qabay reerkooda raggii ugu xigay. markii woxoogaa la sheekaysay, ee uu kaftankii dhammaaday, ayaa nin la yidhaahdo Maxamed Xuunshow uu soo jeediyey in uu doonayo, inuu guursado Sahra, oo uu dumaalo. Si aanay gabadhaa qiimaha badani gacanteena u dhaafin. W

Waxa hadalkii qaatay Caaqil Afar Indhoodle, oo konton sannadood iyo wax ka badan C.I.D-da u shaqaynayey, oo had iyo jeerna u qaabilsanaa, madaxna uga ahaa dadka hudheelada ku soo dagaya iyo dadka Tagaasida kirada  ah kaxaysanaya, inuu daba galo. Haddaad aragto indhihiisu siday u dhaqdhaqaaqayaan Ilaahay fajac ayuu kui keeni lahaa. Marka uu hudheelada ama tagsiyada tago wuxuu ku bilaabi jiray xalayto iyo shalayto afartiina indhood maxay arkeen?, sidaasay ugu bixiyeen Afar-indhoodle. Markii dambe, ee uu shaqada ka tagayna wuxuu u xuub-siibtay inuu noqdo caaqilka jilibkan Sahra ay u dhaxday. Wuxuuna Xuunshow uu ugu jawaabay mabda’iisa uu aaminsan yahay, oo ahaa ‘ragga waxa dila damac iyo dacar.’ waxaanu yidhi ‘inanta lixda bilood inala joogtay, ee afarta qof shaqo siisay, laba darawal iyo laba xafiiska ka shaqeeya, inaynu imika arrintaa guurka ah ula tagno waa wax aan haboonayn, oo aan wakhtigeedii la joogin.’ Wuxuu intaa raaciyey afartayda indhoodna waxaan ku arkaa, inaanay u soo jeedin guur. Aakhirkana Sahri ay Madaxweyne ka noqon doonto dalkan Soomaaliland, markaa arrintaa dib inoogu dhiga, ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Sahra Miciin, iyadoo ay rabadaantii 10 cisho ka hadhsan yihiin, ayaa sidii ay caadadu u ahaan jirtay 30-kii sannadood, ee u dambeeyey, waxay u diyaargaroobaysay, inay Xaramka iyo Maddiina ku soomaan. Waxay sii wargalisay labadii guri, ee ay Maka iyo  Madina ku kala lahaayeen, si loo sii habeeyo, maadaama oo uu imaanshadoodu dhow yahay. Waxa kale, oo ay la hadashay carruuurteedii,  waxaanay hubisay in abbaaulkii safarkoodu dhan yahay.

Intaa kadibna waxay u dhaqaaqday dhinacaa iyo hoolkii gurigeeda ku yaalay xagga sare, si ay jimicsigii ay samayn jirtay maalinwalba ay u samayso. Waxaana maskaxdeeda ka sii guuxaya su’aal ay carruurteedu waydiin jirtay, oo beryahan dambe ay culays ku saareen, taasoo ahayd maxaad u guursan wayday, oo aad iskaga nasan wayday hooyo? maadaama ay iyagiina koreen, oo ay noqdeen dad is maamulaya. Jawaabtii ay ugu jawaabi jirtayna waxay ahayd, oo ay aaminsanayd, in ninkii ugu fiicnaa ragga Soomaalida, ee saygeeda ahaa, ay nasiib u heshay, Ilaahayna uu ka qaaday. Waxaanay tidhi ‘dhabqiye nolashayda iga dhabqiya ma doonayo.’ Inankeedii oo uu Af-soomaaligu ku adkaa, ayaa ku yidhi ‘hooyo dhabqiye muxuu yahay?’  Waxay ugu jawaabtay oo ay tidhi ‘hooyo, waxaan goostay, inaan dadkeena tabaalaysan  wax u qabto inta noloshayda ka dhiman, islamarkaana aan dhiso ururkii ‘Miciin Foundation’.

Markaa waxay u dhaqaaqday hool aan rag soo galin, islamarkaan muraayado madmadowna leh, oo ay jimicsi ku samayn jirtay, iyadoo uu  qalabkii jimicsiga oo dhami u yaallay. waxaanay bilowday ciyaartii,  waxaanay gashatay cajaladii ay ugu jeclayd, iyadoo ku celceshanaysay hees uu ku luuqeeyo, Ilaahay ha u naxariistee Maxamd Mooge.

Sidoo kale waxay aad u jeclayd fannaanka Maxamed Mooge, iyadoo berrigii ay inanta ahayd mar ay fasax ku tageen koonfurta Soomaaliya, maadaama ay halkaa ku lahaayeen beeroo muus, oo ay soo eeyayeen, ayaa waxay aabbehed ka dalbatay, inuu maalin casuumo Maxamed Mooge iyo kooxdiisa, si uu u yar maaweeliyo, isagoo markiiba aabbeheed ka aqbalay soo jeedinta inantiisa. Markii ay ciyaarta jimicsiga bilowdayba waxay ku bilowday heestiisii ay ugu jeclayd, ee uu ninkeeduna jeclaa Ilaahay ha u naxariistee, taasoo ahayd ‘jidhkaagaa udgoonbaa I soo jiidanayee jawharad la moodyeey.’

Dhinaca kale, Sahra miciin waxay hoosta iyo korba ka dhistay rugtii miciinka dadka tabaalaysan, ee ay u hawlgashay. Waxaanay u qabatay shirkii ugu dambeeyey, ee fasaxooda  ramadaanta ka horreeyey, iyadoo ugu mahadnaqday shaqaalaha xafiiskan cusub, oo sharciyadii ay ku shaqaynayeen oo dhami u dhamaystiran tahay. Waxaana la yidhaahdaa ninka xafiiskan ururka haysta Istiifan,  ninkani wuxuu ka yimi dibadda, waddamo badana wuu ka soo shaqeeyey dhinaca samafalka. Waxa kale, oo xafiiska ka shaqeeya laba gabdhood, oo mashruuca ka shaqaynaya iyo dhowr qofoo kale.

Waxaanay hadalkeedii ku soo  gunaanaday shirka, oo ay tidhi ‘waxaynu caawinaynaa, oo aynu tijaabinaynaa saddex mashruuc lixda bilood, ee sannadkan ka hadhay. kaasoo lagu daryeelayo dumarka tabaalaysan, ee jaadka iibiya. Waxaaana lagu bilaabi doonaa kontan dumar ah, oo la soo xulay, iyadoo daraasad la sameeyey lagu qorsheeyey, inuu mashruucaasi si fiican u hirgalo.

Faa’iidooyinka mashruucan, ee ay Sahra Miciin sheegtay waxa ka mid ah:

  • Dumarka qaadka iibinaya, ee saacadha badan fadhiya kollayada, islamarkaana dhagaysanaya ragga badan, ee ay ka daaleen, in kontontonkaasi wax la baro.
  •  sidoo kale, in shan-shan layskugu xidho, oo ay is  kaashadaan, oo ay hagbadda dhigtaan, oo maalinba qof dumari ay nasato.

Waxaanay sheegtay, in shardi lagaga dhigi doono dumarka, inay diyaar u tahay, inay wax barato, iyadoo qaadkeedda iibinaysa haddii ay doonaysana diinta iyo xisaabaadka ay u baahan tahay loo dhigo. islamarkaana ay ka mabnuucdo inuu raggu daba fadhiisto, oo ay ku daba qayilaan.

Waxay ku adkaysay, oo ay tidhi ‘barnaamijkaasi oo faahfaahsan waa inaan miiskagyga ugu imaamaadaa ramadaan ka bacdi.  Barnaamijkaasi oo dhamaystiran, oo hawlgalkiisa, oo kaliyi uu u dhiman yahay.

Waxa kale, oo ay waxqabadkooda ku dartay laba barnaamij, oo kala ah:

  • Carruurta naafada ah, ee Handicap-ta la geeyo, kuwaasi oo waalidka dhibaato xoog leh ku haya soo qaaadistooda iyo sii qaadistooda. waxaana la qorsheeyey in 40 ka mid ah kuwa ugu liita, in laba basaska yaryar ah (Mini bus) loo iibiyo, oo kolba  wiiggii afar cisho meesha wax loogu qabanayo carruurta naafada ah keena, oo celiya.
  • In la caawiyo 50 maxbuus, oo  reer Somalialnd ah. kuna jira jeelasha Somaliland, oo ay xaaladoodu cakiran tahay. Iyadoo loo qaban doono looyarro u dooda, si ay qaddiyadooda uga shaqeeyaan, haddii uu sharcigu fasaxayo.

Markii shirkaasi dhammaaday, ee ay baxeen waxa qabtay Sahra xanuunkeedii gaarka ahaa, kaasoo ahaa, inay nafteedu hibato, oo ay tidhaahdo. ‘Alla muu aabbahaa iyo ninkaagii ku arkaan sida aad wax u waddo ee fiican.’ Haddana waxay isku dowaysay dowadeedu ay nafta ugu sheekayn jirtay ee ahayd ‘hadday gacantaadu kaa go’do, oo gacanta la aaso, xanuunku wuxuu ku hadhaa marwalba bartii ay ka go’day.’

Waxa kale,oo ay xasuusatay sida uu Ilaahay ugu roon yahay marwalba. Sidaasay isku macasalaameeyeen, oo ay ku kala tageen, iyadoo kalsooni buuxda ku kalsoon in hawshaasi sida ay tahay loo qaban doono. Iyadoo la tashaynaysa mar walba shaqaalaha xafiiska, oo kula xidhiidhaysa dhinaca xidhiidhka internetka iyo telefoonada. La soco bacda ramadaan…….

Comments are closed