Derbiga Kenya Ka Dhisayso Xadka ay Somalia La Leedahay Oo Mucaaradad Weyn Kala Kulmay Dalka Maraykanka
Nairobi:Jully,09,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Maraykanka, ayaa si weyn uga soo horjeedsatay Tallaabada dawladda Kenya kju doonayso inay deyr adaga kaga dhigsto xad ay la leedahay Dawladda Somalia.
Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambaasador Robert Godec oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa sheegay inay sii wadayaan taageeradda ay Dowladda Kenya codsato si loo wiiqo weeraradda Dagaalamayaasha Alshabaab Somalia, balse taas kama uu ladhin in dayr labad dal u dhexeeya la dhiso.
Waraysigiisa waxa uu Ambaasador-ku ku sheegay in qorshaha ay Dawladda Kenya derykaas ku dhisaysaa aanu ahayn mid muhiim ah, isla-markaana aanu lagama maarmaan ahayn.
Waxa uu tilmaamay in qaabka ugu wanaagsan ee looga hortegayo cabsida Alshabaab tahay inla kordhiyo ilaaladda laga hayo xuduudka.
“Kenya waa inay kordhiyaan Ilaaladda Xuduudka Somalia, halkii ay ka door bidi lahaayeen dhismaha derbiga oo aad qaali u ah” ayuu yidhi Danjiraha Maraykanka u jooga Kenya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com