Deni oo ogalaaday wadahadal uu la yeesho mucaaridka
Garoowe November 18, 2023 (QJ) -Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal siyaasadeed la yeesho siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda ee dhaliilsan hanaanka doorashada maamul goboleedka.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uusan ka soo horjeedin in si mug leh looga doodo hanaanka doorashada, si looga baaqsado dhiig daata. Waxa uu ku nuux-nuux saday inuu ogolyahay yahay fududaynta wada-hadallada haddii ay soo kordhinayaan xal. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa xusay inuu cafis u fidiyay Jeneraal Jimcaale, Taliyihii hore ee ciidamada Danab oo bishii June ee sanadkan uu dagaal ku dhex maray magaalada Garoowe.
“Wax kasta oo fal ciidan ah oo dhacay, waxaan dowladda ugu baaqayaa inay cafis u fidiso, gaar ahaan Jeneraal Jimcaale oo ah shaqsi muhiim ah, waxaan sidoo kale baaq u dirayaa dadka siyaasadda dowladda ku dhex jira, oo hadda ku kala aragti duwan oo wax u dhimaya. Midnimadeenna, waa caqli iyo sharci in aan wada hadal galno”. ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Iyadoo Madaxweyne Deni uu sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal, hadana waxa uu ku adkeystay in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hadalka Madaxweyne Deni ku macneeyay mid lagu marin habaabinayo bulshada, iyagoo sheegay inuu weli ku dheggan yahay mowqifkiisii hore, iskana indha tirayo tabashooyinka mucaaradka.