|

Deni oo Farmaajo si diiran ugu soo dhaweeyay Garoowe

Garoowe March 21, 2024 (QJ) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe waxaa ku soo dhoweeyay Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaano, Wasiiro, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ah sidii uu wada-hadallo dib u heshiisiin ah ula yeelan lahaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha dastuurka.

Labada hogaamiye ayaa si gaar ah uga walaacsan wax ka bedelka dastuurka ee hadda laga doodayo.

Madaxweyne Saciid C/llaahi Deni ayaa si kulul u dhaliilay dowladdii hore ee Farmaajo, balse hadda waxaad mooddaa inay ka mideysan yihiin mucaaradnimada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Comments are closed