Denbi baareyaasha Westgate Mall oo caqabado kala kulamay in ay xaqiijiyaan halak ay ka soo jeedaan kooxidii Weerarka qaaday
Nairobi Sept 28,2013(SDN)-Denbibaarayaashii caalamka ka kala yimi ee ku xoonsan xaruntii ganacsiga ee Westgate Mall ayaa caqabado waaweyn kala kulmay in ay xaqijiyaan cida ay yihiin kooxdii weerarka ku qaaday xarunta.
Caqabadaha ay la kulmeena waxa ka mid ah in gebi ahaanba uu burbur ku habsaday goobtii ay dableydu kaga sugneyd xarunta.
Waxa iyana caqabadaha ka mid noqday in qaar ka mida ragii xarunta weerary oo ay dhici kareyso in ay baxsadeen xiligii weerarku socday.
Sidoo kale Dableydii halkaa ku sugneyd ayaa waxa ay gubayeen gebi ahaanba meydadka saaxiibadooda ku dhinta dagaalkii ay la galeen ciidamada Kiinya.
Denbibaareyaasha khaasatan kuwooda ka tegay dalalka reer Galbeedka ee xiiseeneyay in ay ogaadaan in qaar ka mida muwaadiniintoodu ay ka qeybqaateen weerarka ayaa si weyn uga niyad jabsan in ay ogaadaan cida ragani ay ahaayeen.
Kooxdan dableyda ah ee Shabaabku sheegteen in ay ka tirsanaayeen xoogagooda ayaa xarunta ganacsi hestay mudo afar casho ah,waxaaney intaa ku dileen dad tiradooda ilaa haatan lagu sheegay in ay aheyd 67 ruux.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com