|

Degmada Ceel afweyn oo ay ka bilaabantay dhagaysiga Dacwado kala duwan

Ceel Afweyn 26.May (SDN) Hawlwadeeno derejadoodu sarayso oo ka socda hay’adaha garsoorka ee gobolka Sanaag ayaa manta gaadhay Degmada Ceel Afweyn halkaasoo ay ka bilaaban doonto qaadista dacwado la xidhiidha dhacdooyin kala duwan.

Gudoomiyaha Maxakamada Gobolka sanaag Aadan jaamac saleebaan oo u warramay Shabakada Qurbejoog.com isagoo jooga magaalada Ceel Afweyn ayaa sheegay in socdaalkiisa ay ku weheliyaan Gudooomiyaha maxkamadda racfaanka ee Gobolka Xuseen Aw Diiriye Maxamed iyo xeer ilaaliyaha gobolka shucayb Maxamed Cilmi maantana ay ka bilaabeen maxamadda degmada Ceel Afweyn dacwadaha lix kiis oo isugu jira Dil iyo kuwo madani ah.

Gudoomiyaha maxkamada Gobolkaasi waxa uu intaas ku daray in maantaba ay gudo galeen dacwado u gaar ah labo dhacdo oo dil ah oo deegaankaa hore uga dhacay, halka sidoo kalena uu xaqiijiyey in socdaalkoodan oo qaadanaya muddo shan maalmood ah ay ku weheliyaan qareeno ka qayb qaadanaya dacwadahas.

Ceel Afweyn SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed