|

DEG DEG: Gabadh Wariye ah oo Goordhaweyd lagu dilay magaalada Muqdisho

somalia

Muqdisho,5,6,2016 (QJ/SDN) – Kooxo Hubeysan ayaa goordhaweyd Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen gabadh Wariye ah oo lagu magacaabi jiray Sagal Salaad Cusmaan , gabadhan ayaana ka tirsaneed Warbaahinta Dowlada gaar ahaan Radio Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Kooxo bistooldo ku hubeysnaa ay Wariye Sagal Salaad ku dileen afaafka hore Jaamacada Plasma ee kutaala Xaafada Banaadir, kooxihii dilka geystay ayaana goobta ka baxsaday.

Dhanka Kale, ma jirto illaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilka gabadhan wariyaha ah, balse dilalka noocan oo kale ayaa ah kuwo inta badan kusoo noqnoqda magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo sanadihii lasoo dhaafay ay aad u kordhsaysay dilka suxufiyiinta Soomaaliya.

Comments are closed