DEG DEG: Dowladda Turkiga Oo Sheegtay In Aanay Aqoonsanayn Somaliland
Muqdisho,30,7,2016(QJ/SDN) – Safiirka Dawlada Turkiga u fadhiya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Amba Oglen Baker oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Inqilaabkii fashilmay ee ka dhacay dalka uu Wakiilka u yahay, Xidhitaankii xarumihii Nile Academy ee Somaliya iyo arrinta Somaliland ee illaa haatan aan xalka laga gaadhin.
Danjiraha ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay aqoonsadeen Baasaaboorka Somaliland in lagu galo dalka turkiga isaga oo sidoo kale sheegay in Somaliland aanay wax gaar ah ka dhaxayn balse ay si toos ah ula shaqeeyaan Dawlada Dhexe ee Somaliya, Gobolada Somalilandna ay ku nool yihiin Dad Soomaliyeed,
Safiirka Turkiga ee Magaalada Muqdisho oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi.
“Ma aqbalin Baasaboorkooda, mana aqoonsan wax xidhiidh ah lama lahan arrintaas, sida la socotaan waxaa wadnaa Heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland, anaga Soomaaliya hal waji ayaa kula Shaqaynaa, waxaa ka shaqeyneynaa Soomaaliya inay wanaagsanaato oo ay mid ahaato, Somaliland dadka ku nool iyo Soomaaliya dadka ku nool waxay noola mid yihiin hal, waxaa rabnaa inay noqdaan hal dal oo xooggan”
Dhanka kale, waxa uu xusay Amba Oglan Baker in Baasaboorka Somaliland ay kaliya u isticmaalaan sida ID-Card oo kale, balse marka dalka ku galka Turkiga la siinayo dadka Reer Somaliland ay siiyaan waraaq gaar ah.
Hadalka Ambasadorka ayaa ku soo beegmaya xilli aanay Somaliland wali go’aan rasmi ah ka qaadan in ay dalkeeda ka saarto Hay;adda Nile Academy illaa haatana Somaliland iyo turkigu isku maan dhaafsan yiihiin in laga saaro dalka Hay’adaasi,
Xukuumada Turkiga ayaa u arka Hay’adan in uu leeyahay mid ka mid ah hogaankii ugu waynaa ee horseedka u ahaa inqilaabkii fashilmay ee la doonayay in meesha lagaga saaro Xukuumada Madaxwaynaha lasoo doortey ee Rajab Dayip Erdugan.