“Deeqbixiyayaashu Waxay Xisaabiyeen In Doorashooyinku Ay Dhacayaan Badhtamaha Sanadkan” Gudoomiye Cirro
Hargeysa 06.Feb 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo waraysi siiyay Telefisnanka HCTV, ayaa waxa uu sheegay in beesha caalamka iyo deeq bixiyeyaashu ay doonayaan in doorashooyinka Somaliland ay dhacaan badhtamaha sanadkan aynu ku jirno,waxaana uu guddoomiye Ciiro ka dhawaajiyay in dib u dhaca hawlaha doorashooyinka ay xukuumaddu sababteeda leedahay.