|

Deeq lacageed oo la soo Gaadhsiiyay Gudida Dhisaysa Jidka Dawga Cad

Hargaysa 29.Aug 2013 (SDN)-Gudida dib u dhiska jidka dawga cad ee Waqooyiga Hargaysa ayaa ka gudoomay jaaliyadda Somaliland ee dalka finland deeq lacageed oo dhan 3680 doollar, dhaqaalahaas oo ay kaga qayb qaadanayaan dhamaystirka wadada dawga cad.

dawga cadXaflad kooban oo lagula kala wareegayey deeqdaasi oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa ayaa hadal uu ka jeediyey gudoomiyaha gudida dhismaha wadada cad iyo horumarinta waqooyiga hargaysa Md cabdiqaadir xaashi cilmi waxa uu uga mahadnaqay sida ay jaaliyadda Finland uga go’an tahay dib u dhiska dalka.

Engineer Axmed warsame siciid iyo Engineer cali cabdi Sarajoog oo ka mid ah hawlawadeemada gacanta ku haya dhismaha wadada ayaa faahfaahin ka bixiyey halka ay marayso hawshu iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Xildhibaan Faysal yuusuf Tahar oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada FANTA ee dalka finland oo ku hadlayey magaca jaaliyada ayaa isna munaasabadaasi ka hadlay, halka sidoo kalena uu Suldaan Maxamed Siciid oo ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka Maroodijeex uu ku amaanay xukuumadda taageerada ay la dhinac taagan tahay dadka isu xilqaamaya dhismaha dalkooda waxana uu ku booriyey dadweynaha gudaha iyo dibadaba inay ka qayb qaataan dhismaha dalkooda.

Sida la ogyahay dhismaha jidka dawga cad ee waqooyiga caasimadda ayaa dhismahiisu hadda socdaa iyadoo ay dhibaatooyin badani hore uga iman jireen maritaanka gaadiidka ee wadadaasi.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed