|

Deeq bixiyeyaasha Caalamka oo diiday in Lacagta gurmedka caalamiga ah lagu hagaajiyo Shakhsiyaad

Hargeysa (QJ) – Dalalka deeqbixiyeyaasha ee ku yaboohay lacagta loogu talogalay gurmedka dadkii xoolahoodu ku gubteen dabkii suuqa Waaheen eee Hargeysa ayaa ka biyo diiday in lacagahaa lagu hagaajiyo shakhsiyaad uu ka mid yahay Madaxweyen Muuse Biixi.

Diidmadan ayaa timi ka dib kolkii xukuumada Somaliland ay ku wergelisay in lacagaha $12 ka million ah ee Somaliland loogu talo galay lagu shubo xisaab ka furan bangi ku yaal dalka Jabuuti.

Sida ay ilo xogogaal ah oo ku sugan Muqdisho noo sheegeena, Deeq Bixiyeyaasha ayaa arinkaa ka biyo diiday, waxaaney fareen Raisul Wasaare Roble xukuumadiisa in lacagtaa lagu wareejin karo oo qura in dawlada Hoose ee Hargeysa.

Goaanka deeq bixiyeyaasha ayaa la sheegi karaa in uu haked geliyo in lacagtaasi soo gaarto dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dabkii burburiyay hatidoodii tiilay suuqa Waaheen.

Xogta aanu helay ayaa sheegaya in xukuumada Rooble ay raali ka aheyd in lacagtaa lagu hagaajiyo shakhsiyaad ka wakiil ah madaxweynaha Somaliland oo xisaabo uga furan yihiin dalka Jabuuti, mana la garanayo wax ay arinkaa ka heleysa xukuumada Rooble.

Si kastaba ha ahaatee, intii ka dab=nbeysay soo bixida cadada lacageed ee caalamka iyo Soomaalida kaleba ugu deeqeen dadkii hantidooda ku waayay dabkii burburiyay suuqa Waaheen, waxa isa soo tarayay damaca kooxda uu hogaamiye madaxweyne Biixi ee HEEGO.

 

Comments are closed