Deeq Bixiyaayasha Oo War Murtiyeed Ka Soo Saaray Shirkii Uga Socady Magaalada Hargeisa
Hargeisa 5/11/2014(SDN/QJ)Shirka Isu-duwidda mucaawanooyinka Somaliland ka hesho beesha caalamka ayaa la soo gabogabeeyey Salaasadii ka dib markii uu muddo laba cisho ah ka socday HuteelAmbassador ee magaalada Hargeysa, iyadoo lagu wado in maanta oo Arbaco ah laga soo saaro War-murtiyeed waxyaabihii ka soo baxay lagaga hadlayo oo kan ka faahfaahsan
Shirkan oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo ururrada bulshada rayidka ah Somaliland, safiirro, madax iyo wakiillo ka kala socday waddamada iyo hay’adaha mucaawanooyinka siinaya Somaliland sida ururka Midowga Yurub, Maraykanka, Australia, Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxa maalmihii uu socday lagu lafoguray waxqabadka iyo faa’iidooyinka Somaliland ka gaadhay mucaawanooyinka la siiyo oo masuuliyiinta wasaaradaha iyo hay’adaha dalwadda iyo weliba kuwa ururrada bulshada rayidka uga qaybgalay soo bandhigeen warbixinno faahfaahsan oo la xidhiidha waxqabadkooda iyo taageerada ay helaan.
Sidoo kale, madaxda waddamada iyo hay’adaha mucaawanooyinka siiya Somaliland ee shirka joogay ayaa iyaguna ka warbixiyey xaddiga taageerada mid waliba ugu deeqo dalka iyo ujeeddooyinka horumarineed ee ay ka leeyihiin.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlayey shirkan, ayaa sheegay in ajandaha shirkani yahay sidii Somaliland uga warbixin lahayd horumarka ay ka gaadhay deeqaha beesha caalamka ka hesho, iyadoo si gaar ah sannadkan diirrada loogu saarayo waxqabadka la sameeyey intii ka dambaysay shirkii Midowga Yurub ku qabtay magaalada Bruzelis ee Somaliland loogu qoondeeyey mucaawadana gaarka ah (Somaliland Special Arrangement).
Safiirka dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Aagaard Anderson iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika iyo hay’adda mucaawanooyinka u qaabilsan Ingiriiska ee DFID iyo masuuliyiin kale oo gunnaanadkii shirka hadallo ka jeediyey, ayaa si wayn u soo dhaweeyey waxqabadka dawladda Somaliland muujisay, iyagoo ammaanay warbixinaha shirka lagu soo bandhigay ee ka turjumaya horumarka dalku sameeyey, isla markaana waxay ku dhiirigeliyeen dawladda inay sii xoojiso dhismaha hay’adaha dawladda iyo nidaamka wadashaqaynta kala dhaxaysa beesha caalamka si loo gaadho horumar intan ka sii wayn.
Hargeisa SDN/QJ
Concat@Somalidiasporanews.com